Sawirro: Soomaalida ku nool magaalada Naivasha ee dalka Kenya

Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Naivasha ee dalka Kenya waxay qarniyo badan ku noolaayeen halkaasi, halkan waxaa idiin kuugu soo gudbinaynaa sawirrada dhulka qaar kamid ah Soomaalida degan Naivasha.

Image caption Ruun Cali waxay qashinka ka saareysaa beerteeda oo ku taalla magaalada Naivasha, waxayna cabasho ka muujinayaan dhul boob lagu hayo Soomaalida halkaasi.
Image caption Waa haweeney ku nool magaalada Naivasha , weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay ayay farta ugu fiiqeysaa baaxadda dhulka ay lahaan jireen oo qaar kamid ah laga boobay.
Image caption Guryaha soomaalida ay ku leedahay Naivasha
Image caption Waa qaar kamid ah odeyaasha Soomaaliyeed ee sannooyin badan deganaa Naivasha.
Image caption Waa mid kamid ah tukaamada yar yar ee Soomaalida ku leedahay Naivasha oo ay dhiseen ururo iskaashato ah oo ay Soomaalida leedahay.
Image caption Waa qaar kamid ah Soomaalida iyo nin ka tirsan qowmiyadaha kale ee Kenya dego oo muddo badan la noolaa bulshada soomaalida Naivasha.

Mowduucyada la xiriira