Canada ayaa dib u musaafurineysa dadka magangalyo doonka ah ee uga soo gudba xadka Mareykanka

. Lahaanshaha sawirka AFP

Macluumaad laga helay hay'adaha amniga ee dalka Canada ayaa muujinaya in dowladdu ay diiradda saari doonto dib u celinta dadka qaxootiga magangalyo doonka ah ee sida sharci darrada ah uga soo tallaabada xadka ay la wadaagaan Mareykanka.

Arrintan oo ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa looga gol leeyahay isku day ku aaddan in laga hor tago arrin dhalin karta xasarado siyaasadeed, xilli sannad ka dib la filayo iney Canada ka dhacdo doorasho.

Tirada dadka la musaafuriyay markii warqadohooda codsiga qaxootinimo la aqbali waayay ayaa hoos ugu dhacday 25% intii lagu guda jiray sannadkan, marki la barbar dhigo sannadkii 2017-ka.

Waa hoos u dhicii ugu weynaa ee la diiwaan galiyo muddadii 10-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Hase ahaatee si gaar ah waxaa saddex jibaar u noqday tirada dadka la musaafuriyo ka dib marka ay ka soo gudbaan xadka kala qeybiya Canada iyo Mareykanka, sida laga soo xigtay macluumaadka xafiiska waaxda qaabilsan howlaha xuduudaha ee dalkaasi.

In ka badan 36,000 oo ruux oo ka tagay Mareykanka ayaa u gudbay Canada tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 2017-ka, si ay qaxootinimo isaga diiwaan galiyaan halkaas.

Inta badan dadkaas ayaa ku andacoonayay iney ka soo firxadeen ballan qaadyadii madaxweyne Donald Trump uu kusoo beegay ol'olaha doorashada, kuwaasoo uu ku sheegay inuu sameyn doono howlgallo lagu sifeynayo qaxootiga sida sharci darrada ah ku jooga gudaha Mareykanka.

Qulqulkaas ayaa Canada ka dhex abuuray muran siyaasadeed oo hareeyay hannaanka qaabilista dadka magangalyo doonka ah, waxaana dowladda lagu dhaliilay sida ay u maareyso xulashada dadka magangalyo doonka ah.

Xukuumadda oo arrimahaas ka jawaabeysa ayaa lacago dheeraad ah u qoondeysay guddiga madaxa bannaan ee xaqiijiya sheegashada qaxootinimada, waxayna soo magacowday wasiir cusub oo ay mas'uuliyaddiisa tahay howlaha ku saabsan dadka kasoo gudba xuduudda.

Hay'adda Canada u qaabilsan adeegga soohdinta oo magaceeda loo soo gaabiyo CBSA, oo sidoo kale mas'uul ka ah go'aannada musaafurinta ayaa warqad ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay iney xooga saari doonto sidii loo kala saari lahaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa dambiileyaasha ah ee ku dhex dhuumanaya.

Qareennada qaxootiga iyo saraakiisha xuduudda ayaa sheegay in tallaabadan ay u muuqato mid uu raysul wasaaraha Canada Justin Trudeau ku raadinayo inuu xal ugu helo arrinta magangalyo doonka oo xasarad siyaasadeed ka dhex abuurtay xisbigiisa Liberal-ka, xilli ay ku soo fool leedahay doorashada 2019-ka.

Bill Blair oo ah wasiirka amniga xuduudda ee lasoo magacaabay bartamihii sannadkan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo mowduucan.

Mowduucyada la xiriira