cudurka kansarka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbitaalka Hargeysa oo lagu soo kordhiynayo qalab lagu baaro kansarka

Dhulka ay Soomalidu degto ayaa waxaa sanidii ugu dambeeyay ku soo badanayay dad la dhibaataysan cudurka kansarka, weliba xilli la sheegayo inay aad ugu yar yihiin shaybaarraada lagu baaro cudurka kansarka.

Hasayeeshee deegaannada oo dhan isku wada mid ma ahan oo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ee ay maamusho xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu rakibo shaybaar awood u leh baarista noocyada kala duwan ee kansarka.

Haddaba shaybaarkaasi dhawaantan la furayo ayaa waxaannu ka wareysannay agaasimaha waaxda shaybaadhada ee wasaarada caaafimaadka ee Jamhuriyada iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland Dr Axmed Xaashi Faarax, waxa uu u warramay weriye Cabdillaahi Jaamac oo Hargeysa jooga.

Mowduucyada la xiriira