Somaliland oo maanta lagu xusay 25 sanno guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay booliska
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sanad guurada xuska aasaaskii booliska Somaliland oo maanta la qabtay

Magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba waxaa maanta lagu qabtay munaasabado ballaaran oo lagu xusayo sanad-guuradii 25-aad ee maalintii la aasaasay ciidanka booliiska ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland , taasoo ku beegneyd 3 November sannadkii 1993-dii .

Xafladda ugu weyn oo uu ka soo qayb galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale waxaa lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka boliiska ee Hargeysa , iyadoo halkaasi booliisku ay ku soo bandhigeen riwaayad iyo warbixino ka waramaya shaqadooda amniga ee ay umadda usoo hayeen muddadaa rubuc qarniga ah .

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay 25 guuradan taliyaha guud ee ciidanka boliiska somaliland Sareeye Gaas Cabdillahi Fadal Iimaan.