Maxay Iiraan u dhimi kartaa cunaqabateynta Mareykanka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay Iiraan u dhimi kartaa cunaqabateynta Mareykanka?

Cunaqabateyn cusub oo adag oo uu Mareykanku ku soo rogay waaxda soo saarta saliidda ee waddanka Iiraan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo ay dhaqangasho.

Madaxweyne Donald Trump oo ka caraysan waxa uu ku tilmaamay heshiis xun ayaa bilowgii sanadkan waxa uu isaga baxay heshiis ay dalal badan saxiixeen oo 2015 lala galay waddanka Iiraan, heshiiskaas oo koontorool adag dul dhigayay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan taas badelkeedana dalkaasi loogaga qaado cunqabateyn dhinacyo badan aheyd oo saarneyd.

Heshiiskaas ayaa waxa uu sababay in Mareykanka iyo dalalkii kalaba ay si wadajir ah u qaadaan cunaqabateynta, haatan Mareykanka kaligii ayaa dib u soo rogaya.

Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu khadka taleefanka kula xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo aan marka hore waydiiyay waxa xilligan ku dhaliyay in Donald Trump uu cunaqabatayntii la qaaday 2016-kii dib u soo rogo?

Mowduucyada la xiriira