Maxaa xal u ah jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa xal u ah jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Jahawareer siyaasadeed ayaa ka taagan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ka dib markii uu iscasilay gudoomiyihii guddiga doorashada iyo xubno ka tirsanaa guddigaas.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo 11 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Xubnaha guddigaasi ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso arrimaha doorashada ee maamul goboleedkaasi.

Hadaba Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah agaasimaha mac-hadka cilmi-baarista ee Heritage, ayaan ka waraystay xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed, ugu horreyn waxaan weydiiyay waxa ay iscasilaadda xubnaha guddigaasi uga dhigan tahay doorashada la filayay in ay ka dhacdo koonfur galbeed.