Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland

Waxa isa soo taraya walaac laga qabo in aanay qabsoomayn doorashooyinka golaha deegaanka ee baarlamanka Somaliland. Waxa jira muran ka taagan kalsoonida ay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka qabaan guddida doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in uu madaxweynuhu kala diro.

Haddaba waxaa beryahan ku sugnaa dalkan Britain Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Cabdiraxmaan Ciro, wariyaha BBC-da Cabdixaafid Cawil Ismaacil ayaa khadka tilifoonka London kula xidhiidhay oo ka wareystay doorashooyinka laga shaki qabo in ay kqabsoomaan iyo waxa ay ka xisbi ahaan ku saluugeen Guddida doorashooyinka.