Wadaadada mayalka adag oo ka soo horjeestay sii daynta gabar dhaleecaysay diinta Islaamka

. Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES

Saraakiisha Pakistan ayaa ganafka ku dhuftay warar sheegaya in Aasia Bibi dalka ka dhooftay, wasiirka warfaafinta ayaa isna waxa uu warfidiyeenka dalkaa ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan xil kas ahayn.

Dhanka kale dadka lafagura siyaasadda dalkaasi ayaa sheegaya in ay lagama maarmaan tahay in ay xukuumaddu si taxadar leh arintan ula dhaqanto.

Wadaadada mayalka adag ayaa ka soo horjeestay sii daynta Aasia Bibi, oo muddo u xidhnayd in ay dhaleecaysay diinta Islaamka hase yeeshee markii dambe maxkamadda Sare ee Pakistan xukunkaa laashay oo amar ku bixisay in la sii daayo.

Ururro badan oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa u arka in ay tahay qof lagu qaaday xeerar ay ku tilmaameen kuwo qallafsan oo lagu qaado dadka lagu eedeeyo in ay ku gafaan diinta.

Dhanka kale waxa culays weyn ku ah xukuumadda cusub sidii ay haweenaydaan masiixiyadda ah nabadgelyadeeda u dammaanad qaadi lahayd, sidoo kalena ay waxa uga qaban lahayd mudaharaadyada rabshadaha wata ee lagaga soo horjeedo sii daynteeda ee todobaadyadii la soo dhaafay Pakistan oo dhan ku fiday.

Diinta Islaamku waa diinta rasmiga ah ee dalka Pakistan isla markaana waxa ay sal u tahay qawaaniinta dalkaas oo dhan.

Sharcigan adag ee dadka af-lagaadeeya diinta lagu qaadona dadka badankoodu aad bay u taageersanyihiin, hase yeeshee siyaasiyiinta mayalka adag ayaa badanaa ku baaqa in aan waxba laga bedelin sababtana waxa lagu sheegaa in ay tahay si ay taageero uga helaan dadweynaha codka bixiya.

Lahaanshaha sawirka EAP