Falanqayn:Sidee lagu sugi karaa amniga Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn:Sidee lagu sugi karaa amniga Muqdisho?

Madaxwaynha dalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa shalay waxa uu kulan xasaasi ah la yeeshay madaxa laamaha ammaan,waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray qaabkii uu u dhacay qaraxii jimcihii.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob si wayn loo ilaaliyo ayna inta badan dagan yihiin madaxda dowladda

Madaxwaynaha ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo qaabkii uu qaraxaasi u dhacay.

Hadabo waxa ay khubaro badan oo dhanka ammaanka ah su'aal galiyeen sida dadka weerarada gaysta ay ugu suuragasho in ay bartilmaameedsadaan goobo ammaankoodu si wayn loo ilaaliyo, iyaga oo ka soo tallaaba baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku sugan yihiin.

Hadba kulanka ammaanka ee madaxwaynaha iyo saraakiisha Ammaanka muxuu soo kordhin karaa,maxay se kaga duwan yihiin kulamadii horey loo qabtay.

Su'aalahan iyo kuwa kale ayaa wariyaha BBC Adan Saalimiin waxa uu u bandhigay General Mohamed Ibrahim Guubir waxaa uu horey uga tirsanaan jiray ciidamadii Soomaaliya.