Dhallinyarada iyo doorashada Puntland

Dhallinyarada oo aad u hadal haya doorashada
Image caption Dhallinyarada oo aad u hadal haya doorashada

Ololaha doorashada madaxtinimada ee maamul-goboleedka Puntland ayaa guud ahaan deegaankaasi laga dareemayaa, walow aanay u qabsoomeynin qaabka qof iyo codka ah.

Doorashadan ayaa waxaa xiiso weyn u yeelaya isu soo baxyada siyaasadeed ee loo sameynayo musharraxiinta kala duwan.

Boqollaal qof ayaa maalin walba lagu arkaa fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Puntland si ay u dhageystaan, sidoo kalena u fahmaan qorshaha musharrax walba uu u soo bandhigayo.

Waxaa kale oo meesha aan ka marnayn gaadiid cod-baahiyeyaal ay ku xiran yihiin oo sii deynaya heeso lagu amaanayo musharraxa markaasi la soo dhoweynayo.

Image caption Boorarka Musharraxiinta ayaa waddooyinka ku dheggan

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa sidoo kale lagu arkaa sawirrada musharraxiinta oo ku labisan dharka suudka qaaliga ah oo magaalooyinka dhexdooda laga taagayo, arrintan oo ah mid cusub.

Shacabka Puntland oo soo dhoweynaya doorashadan ayaanan codkooda dhiiban doonin, balse waxaa wax dooran doona 66 xubnood oo matalaya qabaa`ilka dega Puntland, kuwaasoo soo xuli doona xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo iyagu dooran doona madaxweynaha soo socda.

Haddaba, tallaabadan musharraxiinta loogu sameynayo isu soo baxyada ma waxay la jaanqaadaysa nidaamka xisbiyada badan?

Cabdixakiim Axmed Guuleed, waa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Puntland, wuxuuna qabaa in dadka ay sii fahmeen nidaamka xisbiyada badan.

''Waa doorashooyin xaaladdoodu deggan tahay dadkuna ay ilbaxeen oo ay wax fahmeen, taas oo aad is leedahay, waa lagala socdaa Puntland xisbiyada badan oo musharraxiintii aysan kala jeclayn oo la soo wada dhoweynayo oo booliskuna uu ammaanka sugayo''.

Image caption Dadweynuhu cod kuma laha doorashada

Wax ka yar hal bil iyo bar ayaa ka harsan doorashada Puntland, halka musharraxiintana ay sameynayaan ballanqaadyo kala duwan, haddii fursad la siiyo.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in goobaha shaaha lagu cabo lagu arkayo dhallinyaro kala taageersan musharraxiinta oo doonaya inay dadka ka dhaadhiciyaan musharraxa ay doonayaan inuu kursiga qabto.

Image caption Dhallinyarada ayaa aad u hadal haya musharraxiinta ay taageersan yihiin

Balse dhallinyaradan badankood ayaanan fahamsanayn arrimaha astaanta u ah musharraxooda, waxaana sidaasi aaminsan Nasra Cabdirisaaq Axmed oo ah xoghayaha ururuka suxufiyiinta Puntland oo si dhow ula socotay doorashadan.

''Haddii aad weydiiso qofkan maxaad ku dooratay adigoo ah dhallinyaro aqoonyahan ah, kuuma sheegi karaan waxa ay qofkan ku doorteen, waana dhibaato aad iyo aad u weyn''.

Doorashada Puntland ayaa ah mid aad looga warsugayo qaabka ay u dhacdo, ayadoo codbixintana lagu wado inay qabsoonto 8da janaayo.

Mowduucyada la xiriira