Donald Trump oo markale u hanjabay dalka Mexico

.
Image caption Trump oo ku hanjabay inuu xiri doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu xiri doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, sidoo kale na uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dalkiisa kala dhaxeeya Mexico, haddii qulqulka muhaajiriinta ka soo jeeda bartamaha Amerika ay horseedo kala dambeyn la'aan.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku amray ciidammada Mareykanka ee jooga xadka Mexico inay adeegsadaan xoog, haddii loo baahdo.

Dowladda Mareykanka ayaa maalintii isniinti bilawday inay ka arrinsato sidii bara kontorool loogu sameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta.

'' Waxaa aanu xiri doona waa dhamaan xuduudaha Mexico uma suurtagaleyso inay baabuurtooda u iib geeyan Mareykanka '' waxaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay Trump.

Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muhaajiriin

Dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay ka soo cacareen faqri, colaado iyo dhibaatooyinka taagan dalalka ay ka soo jeedaan oo o kala ah Honduras, Guatemala iyo El Salvador..

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa ciidaamo gaaraya 5,800 u dirtay xadka Mexico, iyadoo na qulqulka muhaajiriinta ku tilmaamtay dad duulaan ku ah Mareykanka.

'' Haddii xaaladda muhaajiriinta ay gaarto heer ay wax ka qaban weyno, ama ay dadku dhibaato soo gaareyso, waxaan xiri doonaa halka laga soo galo dalka in muddo ah, ilaa iyo inta ay xaaladda ka hagaageyso'' waxaa sidaasi yiri madaxweyne Trump.

Hadalka Trump ee ah in haddii laga maarmi waayo la adeegsan doono xoog ayaa yimid kadib markii wasiirka difaaca ee Mareykanka, JamesMattis uu sheegay in ciidammada jooga xuduuda laga qaadi doono hubka.

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda baratmaha qaaradda Amerika ayaa sooo gaaray magaalo ku taala xuduudda Mexico oo la yiraahdo Tijuana, kadib markii ay ka soo tallaabeen qeybo badan oo kamid ah dalkaasi iyo dalal kale.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Muhaajiriin

2,750 kamid ah dadkan ayaa qaab qaxootinimo ah isaga dhiibay magaaladaasi, halkaa oo laga siiyay guryo ay degaan. Duqa magaalada Tijuana ayaa sheegay in muhaajiriin kale oo gaaraya toban kun ay rajeynayaan inay soo gaaraan magaaladiisa maalmaha soo socda.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka digtay in qofkii lagu hela inuu si sharci darro ah kusoo galay Mareykanka la xiri doono, dibna loogu celi doona dalkiisa, hasyeshee dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay yihiin dad noolal raadis ah, ayna doonayaan in msutaqbal wanaagsan ka helaan Mareykanka, halka qaar na ay doonayaan inay la midoobaan eheladooda oo Mareykanka ku nool.

Mowduucyada la xiriira