Koronto la'aan muddaba ka jirtay magaalada Wajeer oo saameyn adag ku reebtay dadka magaaladaasi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Koronto la'aan muddaba ka jirtay magaalada Wajeer oo saameyn adag ku reebtay dadka magaaladaasi

Koronto la'aan muddo saddex bilood ah ka jirtay magaalada Wajeer ee gobolka woqooyi bari ee Kenya ayaa saameyn ku reebtay nolashada dadka ku nool magaaladaasi.

Cimillada magaalada oo kulul awgeed ayaa la sheegayaa in dhibaatada ugu badan ay soo gaartay ganacsiga magaalada iyo sidoo kale dadkii marwaaxahada iyo qaboojiyeyaasha isticmaali jiray.

Haddaba umuurtaasi ayaa waxaannu ka wareysannay Maxamed Cumar Isaaq oo ah maareeyaha guud ee hay'adda Northern Paralegal Network oo ka shaqeysa arrimaha xaquuqul insaanka.

Bashkas Jugsoodhacay ayuu u warramay.