Hoggaamiyeyaasha EU oo heshiis ka gaaray ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

Ra'iisul wasaaraha Britain Theresa May iyo xoghayaha joogtada ah Britain ee arrimaha EU Tim Barrow oo gaaray magaalada Brussels Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Britain Theresa May iyo xoghayaha joogtada ah Britain ee arrimaha EU Tim Barrow oo gaaray magaalada Brussels

Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Hoggaamiyeyaashan oo gaarayay 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels.

Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go'aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.

Madaxweynaha golaha Yurub ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray heshiiska la ansixiyay ee ka bixitaanka Britain Midowga Yurub.

UK oo weli filaysa in dabayaaqada todobaadka ay heshiis la gaari doonto Midowga Yurub

Aayaha Yurub marka Britain ay ka baxdo

Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan.

Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka.

Mowduucyada la xiriira