Noolasha Abu Mansuur: Hogaamiye hore oo Shabaab, musharax cad-cad, haddana maxabuus ah

Sheekh Mukhtaar Rooboow oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho Lahaanshaha sawirka .
Image caption Sheekh Mukhtaar Rooboow oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho

Magaalada Baydhabo ayaa gashay jahwareer amni iyo mid siyaasadeed kaddib markii la xiray Mukhtaar Robow, oo goobjoogayal ay sheegeen in ciidammo Itoobiyaan ah ay kaxeysten.

Xarigga ka hor, Mukhtar Robow wuxuu ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cad ee u tartamayay xilka madaxweynaha Maammul Goboleedka Koonfur Galbeedka.

Ka hor inta uusan Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibin, Mukhtaar Rooboow oo sidoo kale loo yaqaanno Abuu Mansuur, wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee la doon doonayay in la soo xiro, maadaama uu horay u ahaa af-hayeenka Al Shabaab.

Laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu yahay siyaasiga ugu caansan ee ka midka ah musharraxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur, oo hadda la sheegay in uu xiran yahay, wuxuu si deg deg ah ku maray marxalado kala duwan oo u horseeday inuu isku soo taago xafiis siyaasadeed oo ka mid ah kuwa ugu saameynta badan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Markii uu si nabad ah isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu ku dhawaaqay inuu isaga baxay ururka Al Shabaab ee uu xilalka sar sare ka soo qabtay, wuxuuna shacabka ka codsaday iney ka cafiyaan khaladaadkii uu horay u galay.

Hase ahaatee, dad badan wuxuu uga yaabsaday mowqifkiisii uu ku shaaciyay inuu ka qeyb galayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo billaabay ol'ole siyaasadeed oo xoog leh.

Inkastoo uu culeys kala kulmay oggolaanshaha musharraxnimadiisa, waxaa waddada loogu furay inuu horay u sii wado dadaalkiisa ku aaddan xilka siyaasadeed ee uu hanqal taagayay ka hor intaan la xirin.

Ka hor dhacdiooyinkan ugu dambeeyay, waxaa jiray musharraxiin ku dhawaaqay iney awooddooda ku biirinayaan Mukhtaar Roobow, kuwaas oo kala ah; Maxamed Aadan Fargeeti, oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Eng. Saalax Sheekh Cismaan oo ah wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, Xasan Macallin, oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka, Xuseen Kushuk iyo Yuusuf Baadiyow oo sidoo kale ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka.

Lahaanshaha sawirka SBC
Image caption Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Maxaa horseeday in Mukhtaar Rooboow uu ka mid noqdo musharaxiinta ugu cad cad?

Maxamed Cali Barre oo ah aqoonyahan ka tirsan madasha Maanshiil isla markaana falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC-da uga warramay sida ay Mukhtaar Rooboow ugu suurta gashay inuu tallaabo wax ku ool ah u qaado dhinaca siyaasadda.

"Lama fileynin in Rooboow uu guul ka gaari karo ol'olihiisa siyaasadeed ama uu xitaa ku guuleysan karo xilka, balse waxaa loo maleynayay in isku daygiisu uu ahaa sidii uu saaxadda siyaasadda ugu soo biiri lahaa ama inuu sameeyo gorgortan siyaasadeed oo ay ujeeddadiisu tahay inuu xil uga helo hoggaanka la soo dooran doono, Ugu yaraan muhiimaddiisu waxay ahayd inuu helo xilka madaxweyne ku xigeenka laakiin hadda waxaad mooddaa in arrimuhu ay is baddaleen".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Maxamed intaas ku daray in ay jiraan sababo horseeday inuu taageero siyaasadeed ka helo musharraxiinta u tanaasushay shalay.

"Shanta siyaasi ee taageerada siiyay waa rag aan la dhacsaneyn hannaanka ay wax ku wadaan madaxda sare ee dowladda federaalka, sidoo kalena waxay ogaayeen in dowladda dhexe aysan waxba la rabin Mukhtaar, sidaas awgeed ayey u taageereen isaga waxayna doonayaan iney ku wiiqaan fara galinta lagu eedeynayo dowladda. Arrinta kale ee muhiimka ah ee Mukhtaar Roobow u fududeysay taageerada siyaasadeed waa go'aankii loogu diiday inuu doorashada ka qeyb galo, markii loo soo jeediyay inuu sugo ilaa inta cunqabateynnada laga wada qaadayo, markaas ayey siyaasiyiin badan ku fakareen in loo hiilliyo isaga".

Doorashada madaxweynaha ee maamul goboleedka Koonfur galbeed ayaa muddo gaaban ku yeelatay dhowr waji oo kala duwan, iyadoo dib u dhacna uu ku yimid xilligii rasmiga ahaa ee loogu tala galay iney dhacdo.

Guddiga loo xil saaray qabsoomidda doorashadaas oo horay ay isku casileen guddoomiyahoodii iyo xubno kale ayaa dhawaan ku dhawaaqay iney dib u dhigeen doorashada ayna ku asteeyeen 5-ta bisha Diseembar ee sannadkan.

Goor sii horreysay waxaa xilkii madaxweynaha iska casilay, musharraxnimadiisana ka tanaasulay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu tirinayay inuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan doorashadaas.

Labada musharax ee ay dad badan hadda u arkaan iney ugu cadcadyihiin ayaa kala ah Cabdicasiis Lafta gareen iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mowduucyada la xiriira