Dalka Georgia oo yeelatay madaxweynihii ugu horreeyay ee dumar ah

Salome Zurabishvili ayaa ah haweenay ay dhaleen waalid reer Georgea ah qaxooti ku noqday Faransiiska sannadkii 1921 Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Salome Zurabishvili ayaa ah haweenay ay dhaleen waalid reer Georgea ah qaxooti ku noqday Faransiiska sannadkii 1921

Salome Zurabishvili ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxweynenimada ee dalka Georgia, iyada oo sidaas ku noqotay haweenaydii u horraysay ee kursigaas ku fariisata.

Iyada oo codadka oo dhan la tiriyayna dublamaasiyaddan hore ee Faransiiska ku dhalatay ayaa heshay 59%, Grigol Vashadze oo ay is hayeenna wuxuu helay 40%.

Zurabishvili ayaa taageero ka heshay xisbiga talada haya ee Georgian Dream halka Vashadze uu u sharaxnaa mucaaradka.

Dastuur cusub ayaa dalkaas ka dhaqan galaya dhawaan, doorka madaxweynaha ayaana intiisa badan noqon doona mid maamuus.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Vashadze ayaa loo arkaa in uu u janjeero dhanka reer Galbeedka

Zurabishvili ayaa qabta in la isu miisaamo xiriirka uu dalka Georgia la leeyahay Ruushka iyo reer galbeedka.

Vashadze oo ahaaa wasiirkii arrimaha dibadda markii uu dagaalku dhex maray Georgia iyo Ruushka ayaa loo arkaa in ay uu u janjeerto dhanka reer Galbeedka.

Mowduucyada la xiriira