Maxaa lagu xasuustaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H W Bush?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa lagu xasuustaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H W Bush?

Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyey oo hadalo amaan ah u jeediyey madaxweynihii hore ee Mareykanka George H W Bush oo saaka ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal gobolka Texas, isagoo ay da'diisu aheyd 94 sanadood.

Wiilka ugu weyn wiilashiisa, oo isna madaxweyne hore uga soo noqday dalkaasi Mareykanka, George W Bush, ayaa waxa uu aabihii ku tilmaamay nin shakhisyad weyn leh.

Haddaba George H. W. Bush nin caynkee ah ayuu ahaa? Si aannu jawaab ugu helno su'aashaas iyo kuwa kalaba ayaa waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa lagu xasuusto Madaxweyne George HW Bush?