Maxaa lagu minayn karaa imaatinka madaxda ONLF ee Jigjiga?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa lagu micnayn karaa imaatinka madaxda ONLF ee Jigjiga?

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida waxaa shalayto si weyn loogu soo dhoweeyay mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dhawaan heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda Itoobiya.

Mas'uuliyiintani ayaa jimcihii la soo dhaafay ka degay magaalada Addis Ababa halkaasi oo ay kula kulmeen madax ka tirsan dowladda Itoobiya, waxaana madaxdaasi ONLF ka sii horreeyay oo Jigjiga sii joogay ciidamada jabhaddaasi oo boqolaal ah oo laga soo daabulay dalka Asmara.

Haddaba imaatinka madaxda iyo ciidamada jabhaddani maxaa lagu micneyn karaa?

Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele weydiiyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan Soomaalideed.