Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo eedeeyay Cabdiweli Gaas
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo eedeeyay Cabdiweli Gaas

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa madaxweynaha maamul goboleedkaasi Cabdiweli Maxamed Gaas ku eedeeyay in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda guddiga khilaafaadka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya labadani mas'uul ee ugu sareeya maamul goboleedkaasi.

Khilaafka labadani mas'uul ayaa aad u soo shaac baxay kaddib markii shalay ay soo kala magacaabeen guddiyo iska soo horjeeda oo loogu tala galay xallinta khilaafaadka xulista baarlamaanka cusub ee Puntland, waxaana Camey uu sheegay in Cabdiweli Gaas lagu qancin waayay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkaasi.

Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo mudda yar ay ka hartay xilliga doorashada ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa u waramay weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele oo ugu horreyn weydiiyay sababta ku kallifay in uu soo magacaabo guddi ka duwan kii uu soo magacaabay Cabdiweli Gaas.