Supersonic: Gaarigan nooca tartanka wuxuu saacaddii soconayaa 1000 kiilo mitir saacaddiba

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gaariga oo lagu tijaabiyey Newquay, Cornwall, sanadki hore

Gaarigan nooca tartanka oo saacaddi soconaya xawaara dhan 1,000 kiilo mitir ee looga macac daray Spersoni waxaa lagu iibinayaa qiima u dhigma gaariga Ferrari lagu iibsado.

Gaarigan Supersonic ee la tijaabiyey waxaa la saaray matoorka diyaaradda dagaalka ee miigga (Rolls-Royce Eurofighter jet) wuxuuna la xawaara yahay sawaariikhda dheereysa.

Lahaanshaha sawirka FLOCK LONDON
Image caption Gaariga oo xawaara dheer ku socda

Kooxdan sameynta gaarigan iska kaashatay ayaa waxay uga gol leeyihiin iney jabiyaan rekoorki horey u yaallay ee ahaa 763mph (1,228km/h).

Darawalka gaariga Andy Green wuxuu sheegay in gaariga lagu helayo qiima dhan £250,000 oo gini.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tijaabada sanadki hore gaariga lagu sameeyey

Gaarigan oo tijaabadiisi ugu daambeeyey lagu wado in lagu sameeyo waddanka Koonfur Afrika gaar ahaanna waqooyiga magaalada Cape.

Mr Greeen wuxuu intaasi ku daray xawaarihiisa kama dambeysta ah in lagu tijaabiyo wuxuu u baahan yahay malaayin doolar oo lacag ah maxaa yeelay wuxuu u baahan yahay wadda toosan oo uu maro iyo kharashaadki kale uu gaarigu isticmaali lahaa.

"Anaga ahaan haddaynu nahay kooxda gaadhigan sameeysay qaab dhismeedkiisa iyo wax walba wey noo dhammeystiran inaan suuq geyni unbaa noo hadhay."

Marki ugu horreysay waxaa gaarigan noociisi hore lagu tijaabiyey Newquay Airport sanadki 2017-ka wuxuuna socday 320 kiilo miitir sacaddiba, haddana xawaarihiisa seddex jibbaar ayaa kor loo qaaday.

Lahaanshaha sawirka BLOODHOUND SSC/STEFAN MARJORAM
Image caption Kooxda oo astaanta ay gaariga ku dhajin lahaayeen buufinaya

Sameynta gaariganna waxaa iska kaashaday shirkadda diyaaradaha soo saarta oo laga leeyahay Norway iyo Dalka koonfur Afrika.

Mashruuca gaariga dunida ugu xawaaraha dheereeya si suuqyada caalkamka looga soo bandhigo soo saaristiisu waxay u baahan dhaqaale aad u badan taasoo u baahan in shirkadaha waaweyn ee gawaarida soo saara iney iska kaashadaan si ay ugu darsadaan saami dhaqaale oo ku filan..

Lahaanshaha sawirka BLOODHOUND SSC
Image caption Tijaabida gaariga ee lagu sameeyey airboorka Newquay

Guud ahaanna mashruuca gaarigan saacaddi soconaya xawaara dhan 1,000 km wuxuu sheegay inuu qiimaha gaariga uu la mid noqon doon kan gaariga Ferrari waxaa si buuxda loo soo gabagabeeynayaa 2019-ka.

Ilaa iyo 2020 waxaa lagu wadaa in xawaaraha gaarigan Supersonic in la gaarsiiyo ilaa iyo 1500 kiilo miitir saacaddi inuu socdo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan