Soomaalida ku nool Denmark oo Welwel xoogan soo foodsaaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida ku nool Denmark oo welwel xoogan soo foodsaaray

Ku dhawaad Kun qof oo Soomaali ah oo ku nool wadanka Denmark ayaa welwel xooggan soo foodsaaray ka dib markii dawladda dalkaasi ay shaacisay qorshe ay ku doonayso in dadkaasi dib ugu celiso dalkoodda.Dadkan oo haysta sharciyo kumeel gaar ah ayaa ku dooddaya in xilligan Soomaaliya aannay ammaan aheyn isla markaana ay qatar gali karto nolashooda haddii qasab lagu celiyo, arrinkaasi oo dooddo adag ka dhaliyey hay'addaha dawladda iyo dadweynaha. Ururadda u doodda xuquuqdda dadka ayaa ku caddaadinaya dawlada inay dib uga laabto qorshahaas.Zahra Maxamuud Cali oo ah saxafiyad degan magaaladda Viborg ee wadanka Denmark kana tirsan urur ka shaqeeya is-dhexgalka dadka ayaa arrimahan ugu dambeeyey waxay uga warantay Mowliid Xaaji Cabdi