Yay u badan tahay in uu leeyliyo Manchester United xilli cayaareedka dambe?

Ole Gunnar Solskjaer waxa uu dhaliyay 126 gool , 11 xilli cayaareedna waa uu u saftay United Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ole Gunnar Solskjaer waxa uu dhaliyay 126 gool , 11 xilli cayaareedna waxa uu u saftay United

Manchester United ayaa u magacaawday maamule Ole Gunnar Solskjaer ilaa inta ka harsan xilli cayaareedkan, maalin uun kadib markii shaqada laga eryay tababare Jose Mourinho.

Solskjaer 11 xilli cayaareed ayuu u saftay Manchester United, waxa uu dhaliyay goolkii taarikhiga ahaa ee kulankii kama dambaysta ahaa Champions League-gga ee 1999-kii.

45-jirkan ayaa kooxda la wareegaya iyadoo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Ingriiska ee Premier League-gga.

"Manchester United waxa ay igaga taallaa qalbiga, aad ayayna u wanaagsantahy in aan marlabaad ku soo laabto kooxda oo aan jagadaan ka qabto," ayuu yiri Solskjaer.

"Waxa aan ku dadaali doonaa sidii aan ula shaqeeyn lahaa cayaarhan kasta, shaqaalaha iyo qof kasto oo jooga kooxda."

Michael Carrick iyo Kieran McKenna, oo labaduba tababare ku xigeen u ahaa Mourinho ayaa sii joogi doona oo la sii shaqeyn doono Solskjaer.

Kulanka ugu horreeya ee uu macalin Solskjaer leeylin doono, waxay la cayaari doonaan kooxda Cardiff City maalinta sabtida ah ee foodda inagu soo haysa.

United ayaa waxa ay soo magacaabi doontaa tababare joogta ah marka uu dhamaado xilli cayaareedkan.

Yuu noqon doonaa tababaraha cusub ee joogtada ah?

Mauricio Pochettino

Waa tababaraha haatan leeyliya naadiga Tottenham.

Kooxdiisa waxa ay soo bandhigaan cayaar qurux badan.

Waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay cayaaryahanadiisa iyo shaqaalaha kooxda.

Sumcad weyn ayuu ku dhex leeyahay Tottenham.

Naadiga Real Madrid ayaa sanadkii hore danaynayay.

Pochettino xilli cayaareedkii tagay ayuu Shan sano u saxiixay naadiga Spurs.

War saxfadeed ayuu maalintii talaadada ahayd Pochettino ku sheegay in ay jiraan warar suuqeed sheegaya in uu yahay tabare ku haboon Manchester marka "kama jawaabayo hadalladaasi sabatoo ah haatan waxaan diiradda saarayaa sidii aan kooxdayda guul u gaarsiin lahaa".

Zinedine Zidane

Saddex Champions League ayuu ku guuleeystay muddo Saddex sano gudohood ah isagoo tababare u ah Real Madrid oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu weyn dunida.

Zidane ayaa waxaa United lala xiriirinayay tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid bishii May ee sanadkan.

Balse waxa ay su'aal ka taagantahay awoodda tababarenimo ee uu leeyahay iyo soo saariidda cayaaryanada da'yarta ah, sidoo kale mushaarkiisana waa uu badan yahay.

Laakinse haddii Zidane yahay tababare ay aad u daneeynayaan, maxay u sugayaan inta uu ka dhamaanayo xilli cayaareedkan?

Diego Simeone

United waxa ay horay ula xiirtay macalinka Atletico Madrid xilli ay raadinayeen tababare.

Balse ma yahay macalinka saxda ah ee bedeli lahaa Mourinho?

Waa tababare kooxdiisa sumacad weyn ku dhex leh oo uu qaab cayaareedkiisu wanaagsanyahay.