Mareykanka oo shaaciyay in uu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya

Mareykan ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mareykan ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.

Ma jirto waqti caayiman oo arrintan loo qabtay,balse mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in muddo 100 maalmood gudahood ah ay dalkooda ku soo laaban doonaan.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS looga adkaaday dalka Suuriya islamarkana taasi ay ahayd sababtii ciidamada halkaasi loo geeyay.

Balse qaar ka mid ah xubnaha Kongreska ee xisbiga Jamhuuriga ayaa cambaareeyay go'aankan.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee gudaha Suuriya ayaa imika soo yaraaday.

Waxa ay ku sugan yihiin oo kali ah qaybo yar oo ka tirsan Koonfur bari dalkaasi Suuriya.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in kooxda IS looga adkaaday gudaha Suuriya islamarkana ciidamada halkaasi laga soo saari doono.

Saraakiisha Mareykanka kalama aysan cadayn tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo halkaasi iyo waqtiga rasmiga ah.

Mareykan ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.

  1. Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab
  2. Qoxooti reer Suuriya oo Addis Ababa ku soo badanaya
  3. Xalab oo gacanta ugu gashay dowladda Suuriya

Wararka qaar ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsiha badan ciidamada haalkaasi looga soo saari doono.

Shaacinta warkan lama filaanka ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah madaxda Mareykanka.

Marco Rubio oo ah Sanatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in tallaabadani ay minjaxaabinayso dadaalada nabadda.

Mr Rubio ayaa intaa ku daray in haddii ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya ay taasi hoos u dhigayso galaangaalka Mareykanka uu ku leeyahay arrimaha Suuriya.

Balse xubno ka mid ah saraakiisha amniga qaranka ee madaxwayne Trump ayaa su'aal galiyay go'aanka in Mareykanka uu ciidamada kala soo baxo Suuriya.

Mowduucyada la xiriira