Alshabaab oo sheegatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax
Image caption Waxaa la arkayay qiiq cirka isku shareeray qaraxa kaddib

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay. Waxa la sheegayaa in isaga laftigiisa uu dhaawac ka soo gaaray

Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaas.

Weriyeheenna magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in gawaarida ambalaasta ay gaareen halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Qarax ka dhacay Wanlaweyn

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Mowduucyada la xiriira