Haweeney 36 sanno maqneyd oo ninkeeda loo haysto inuu dilay

Chris Dawson Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Chris Dawson

Seyga haweenay lagu magacaabo Lynette Dawson, oo ka soo jeedda dalka Australia ayaa lagu soo daayay damaanad kaddib markii lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka xaaskiisa.

Ninkan oo 70 sanno jir ah ayaa dafiray dacwaddan, waxaana uu sheegay in xaaskiisa ay qaadatay go'aan ay ku raacayso koox diimeed 1982-dii.

Dhacdadan ayaa waxa laga baahiyay barnaamij-ka podcast taas oo soo jiidatay dad badan.

Ninkan ayaa lagu soo daayay damiin lacageed oo gaaray 1.5 milyan oo doollar, waxana uu dib ugu laaban doonaa gurigiisa, isagoona lagu amray in uu soo dhiibo baasaboorkiisa.

  1. Nin musuqmaasuq dartiis dil loogu xukumay
  2. Masaari lagu xukumay dil
  3. 20 kun gabdhood oo lagu kufsaday dalka Hindiya
  4. Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay
  5. Maxkamadda ugu sarreysa Hindiya oo amar ka soo saartay kufsi iyo dil loo geystay gabar siddeed sano jir ahayd
Lahaanshaha sawirka SUPPLIED
Image caption Lynette Dawson

Booliska dalka Australia ayaa bilaabay inay dib u baraan kiiskan, kadib saddex sanno oo ay baaritaan wadeen.

Mrs Dawson ayaan dib dambe loo arag tan iyo markii ay ka tagtay gurigeeda 36 sanno ka hor, waxaana seygeeda la sheegay in uu xirriir la lahaa haweenay u hayn jirtay caruurta. Arrinkan ayaa waxa lagu soo gabagabeeyey in haweenayday uu dilay qof aan la aqoonin, waxaana dacwad oogayaasha gacanta ku hayay kiiskan ay shegeen in aysan heynin caddeymo ku aadan qofka dilay.

Sheekadan oo lagu daabacay mid kamid ah wargeys-yada ka soo baxa dalka Australia ayaa sii xoogaystay, waxaana ay dhalisay hadal heyn aad u ballaaran ay ka dhalisay dalkaais.

Qaareenka u doodayay Mr Dawson ayaa wargeyska u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in qofkii uu u doodayay uu dib ugu laabto gurigiisa, isagoo na inta raaciyay in uu rajeynayo in dib uu ula midooba qoyskiisa.

Mowduucyada la xiriira