Ogow sababta ay carruurta dunida ku dhalata ugu badan yihiin wiilal, marka la weynaadana ay dumarka u badan yihiin

Markii ay dhashaan 105 wiil, waxaa dhasha 100 gabdhood Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Markii ay dhashaan 105 wiil, waxaa dhasha 100 gabdhood

Muddo ku dhawaad 200 oo sano ah, tiro wiilal ah oo ka badan tan gabdhaha ayaa sannad kasta ku dhasha dalalka England iyo Wales, dadka ku xeel dheer cilmiga caafimaadka ayaana isweydiiyay sababta.

Tan iyo markii ay arrintan soo billaabatay sannadkii 1838-kii, hooyooyinka uurka yeesha waxay sanad kasta, oo isku xiga, umulayeen wiilal.

Tusaale ahaan, sannadkii lasoo dhaafay ee 2017-kii, dalalka England iyo Wales waxaa ku dhashay 348,071 oo wiilal ah iyo 331,035 oo gabdhood.

Tiradaas wiilasha iyo gabadhaha ah waxaa u dhaxeysa qiyaastii 17,000, oo wiilashu ay ka badanyihiin gabdhaha.

180-kii sano ee lasoo dhaafay, oo hal sano uusan wax isbaddal ah dhicin, tiro noocaas ah ayaa u dhaxeysay carruurta kala ah labka iyo dhadigga.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in arrintan ay sidoo kale ka jirto caalamka intiisa kale, iyadoo dalalka qaar, sida Shiinaha iyo Hindiya uu aad u badanyahay farqiga u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha.

Waxa taas kasii yaabka badan ayaa ah in tiradan kala badan ay ahayd mid soo socotay tan iyo qarnigii 17-aad, iyadoo haddana lagu guda jiro qarniga 21-aad.

Laakiin waxaa xusid mudan in dadka waaweyn ee labka iyo dhaddiga kala aha ay haweenku tiro ahaan badanyihiin.

Waa arrin ku saabsan heerarka nolosha bani'aadamka

Sheekada ugu horreysa ee la xiriirta heerarka nolosha bani'aadamka ayaa ah in haddiiba la doonayo iney isla ekaadaan tirada ragga iyo dumarka ee qaan gaarka ah, markaas loo baahanyahay iney dhashaan wiilal ka badan gabdhaha.

Taas waxaa sabab u ah in wiilasha ay khataraha uga dhowyihiin gabdhaha, sida ay qabaan khubarada caafimaadka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dalalka caalamka oo dhan waxay ka siman yihiin in dhalshada wiilasha ay ku badantahay

Waxaa la sheegaa in carruurta labka ah ay u dhowdahay iney dhimashada uga badnaadaan kuwa dhadigga ah, inta ay carruurnimada ku jiraan - marka la eego shilalka, khatarta ay carruurta iskugu keenaan gacmahooda, is dilitaanka iyo dhibaatooyinka kale ee caafimaadka.

"Da' kasta, ku dhawaad wakhti walba iyo meel kastaba, ninka ayay u badantahay inuu ka hor dhinto haweeneyda", waxaa sidaas yiri Barfasoor David Steinsaltz, oo bare ka ah jaamacadda Oxford.

Hase ahaatee sida dalal badan laga ogsoonyahay, marka ay carruurta qaan gaaraan, waxaa tiro ahaan bata dadka waaweyn ee dumarka ah marka la bar bar dhigo dadka waaweyn ee ragga ah.

Xafiiska tirakoobka qaran ee dalka Ingiriiska ayaa laga soo xigtay in tirada haweenka qaan gaarka ah ee dalkaasi ay xoogaa ka badanyihiin tirada ragga ah ee koray, balse marka dhalashada la eego ay wiilal badan dhashaan.

Mowduucyada la xiriira