Maxaa sabab u ah in dhallinyarada Hindiya ay "Galmo u hanqal taagaan"?

In filimada anshax xumada ah la sameeyo ama la faafiyo sharci darro ayey ka tahay Hindiya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In filimada anshax xumada ah la sameeyo ama la faafiyo sharci darro ayey ka tahay Hindiya

Muuqaallada ku saabsan kufsiga ee sida weyn loogu faafiyo dhallinyarada Hindiya dhexdooda ayaa sababay in dad fara badan ay aaminaan in telefoonnada gacanta ee casriga ah, sida fudud ee loo daawan karo filimaanta anshax xumada ah iyo aqoon yarida la xiriirta cilmiga galmada ay si wada jir ah u sii huriyaan falalka kufsiga ah, sida ay ku soo warrantay wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Divya Arya.

Horraantii sannadkan, muuqaal lagu arkayay koox wiilal ah oo isku dayaya iney dharka ka siibaan haweeney dhallinyaro ah ayaa si weyn la iskula wadaagay barta WahtsApp-ka, guud ahaan dalka Hidiya.

Muuqaalkaas gudihiisa waxaa lagu arkayay gabadha oo ka codsaneysa wiilasha iney sii daayaan, iyadoo adeegsaneysay erayga " bhaiyya" (oo markii luqadda Hindiga laga soo fasiro uu macnihiisu yahay "Walaal"), balse waxaa la arki karay iney aad u faraxsanaayeen, aadna u qoslayeen.

Iyadoo muuqaalkaasi uu aad u faafay, booliska waxaa u suurta gashay iney ogaadaan in meesha lagu duubay ay ahayd xaafad ku taalla gobolka Bihar ee waqooyiga dalkaas. Dhallinyaradii lagu eedeeyay falkaas ayaana la soo xiray.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In ka badan 200 oo milyan ayaa Hinbdiya ku isticmaasha WhatsApp-ka

Xariga dhallinyaradaas ayaa caro weyn ka dhex abuuray xaafaddaas oo ka tirsan magaalada Jehanabad, waxayna duqeyda deegaanka sheegeen in dhacdadaas oo idil ay sabab u yihiin telefoonnada gacanta ee casriga ah.

In muuqaallo anshax xumo ah la sameeyo ama la faafiyo, sharci darro ayey ka tahay Hindiya.

Hase ahaatee, inkastoo ay sii badanayaan dadka daawada aflaanta anshax xumada ah, oo ay usii sahleyso raqiisnimada Internet-ka, ayuu haddana walaac xooggan ka taaganyahay in arrintani aysan ku dhisneyn wax Isfahan ah ama xiriir caadi ah oo galmo horseedi kara.

Dhallinyarada deegaanka ayaa si cad BBC-da ugu sheegay iney daawadeen muuqaallo ku saabsan anshax xumo iyo kufsi.

Mid ka mid ah dhallinyaradaas oo 16 sano jir ah ayaa sheegay inuu daawaday in ka badan 25 muuqaal oo noocaas ah, wuxuuna intaas ku daray in saaxiibadiisna ay intooda badan ku dirsadeen taleefannadooda.

"Inta badan wiilasha fasalkeyga dhigta way daawadaan muuqaalladan, si wada jir ah iyo si kalinimo ahba", ayuu yiri wiil kale.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Aqoon yarida dhinaca galmada ayey dad badan u sababeeyeen dhibaatada

Khubarada filimada ayaa sheegay in habkan lagu baranayo qaabka loo sameeyo galmada uu bartilmaameed u sii noqonayo rag fara badan oo Hindiya ku nool.

"Markii aan soo koreynay nalama siinin waxbarasho ku saabsan aqoonta dhinaca galmada ama sheekooyinka caadiga ah ee ay dadka waaweyn sameeyaan", ayey tiri Paromita Vohra, oo filimada qorta.

Waxay haweeneydan maamushaa boga internetka ee lagu magacaabo Ishq(Jacayl), kaasoo dhallinyarada ku dhiirri galiya xiriirka lamaaneyaasha.

400 oo million oo ruux, oo ka mid ah dadka ku nool Hindia waxay isticmaalaan taleefannada gacanta ee casriga ah, in ka badan kala bar ka mid ah dadkaasna waxay isticmaalaan barta WhatsApp-ka, taasoo ay sahlantahay in la iskula wadaago muuqaallada noocaas ah.

Mowduucyada la xiriira