Pep Guardiola oo gacmaha ka taagtay Liverpool

.
Image caption Pep Guardiola

Tababaraha kooxda Man City, Pep Guardiola waxaa uu sheegay in inay aqbalaan in kooxda kale ee Liverpool oo dhawaan ku tumatay Arsenal ay tahay kooxda ugu wanaagsan caalamka xiligan la joogo.

Pep Guardiola aya BBC-da u sheegay in kooxdu ay noqotay wax cajiib ah oo aan horay loo arag, waxaana uu intaa raaciyay in aysan jiri koox kale oo reer Yurub oo iminka la xifaaltami karta Liverpool.

Kooxdiisa City ayaa dhawaan la kulantay guul-darooyin dhowr ah oo waxaa ka adkaaday kooxaha Chelsea, Crystal Palace iyo Leicester, halka liverpool na ay badisay dhamaan 7 kullan oo ay dheeshay.

Guardiola ayaa mar uu ka hadlayay waxa la gudboon kooxdiisa waxaa uu yiri '' Waa inaad aqbashaa, waxa keliya ee aynu sameyn karno waa in aan shaqadeena qabsanaa , kadibna aan eegnaa waxa xiga''.

Sidoo kale Vincent Kompany oo khadka dhexe uga ciyaara Man City ayaa isna dhankiisa sheegay in ciyaarta ay la yeelanayaan kooxda heysa hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Liverpool uu yahay kullan ay aad u sugayaan.

Kooxda Liverpool ayaa dhawaan 5 iyo 1 kaga adkaatay kooxda Arsenal, waxaana taasi ay dhabar jab ku noqotay hamiga kooxda Arsenal.

Mowduucyada la xiriira