Akhriso magacyada xildhibaannada cusub ee laga soo xulay Puntland

Image caption Tallaabadan ayaa horay u sii amba qaadeysa hannaanka doorashada

Guddiga xallinta khilaafaadka ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada xildhibaannada cusub ee loo soo xulay iney doortaan madaxweynaha maamulkaas uu yeelan doono, marka la gaaro doorashada dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee foodda nagu soo heysa.

Xildhibaannada oo ay tiradoodu gaareyso 66 ayaa laga soo kala xulay gobollada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland, oo qeyb ka ah dowladda Federaalka Soomaaliuya.

Nimco Cabdi Caarshe, ayaa ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata xildhibaannada maanta magacyadooda la shaaciyay.

Warqad ku socotay Golaha wasiirrada, iyo madaxda sare ee Puntland ayaa lagu muujiyay magacyada dhammaan xildhibaannada lasoo xulay ee u fariisan doona doorashada madaxweynaha cusub.

Image caption Soo xulista xildhibaannada ayaa laga dhowrayay guddiga xallinta khilaafaadka Puntland

Dhallinyarada iyo doorashada Puntland

Haweenka iyo doorashada Puntland

Faragalinta arrimaha amniga ee Koonfur-galbeed iyo Puntland

Waxaa xusid mudan in maamullo dhowr ah oo soo maray hoggaanka Puntland ay ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici lahayd doorasho hal qof iyo cod ah, si ay shacabka ugu suurta gasho iney soo doortaan madaxda.

Hase ahaatee arrintaas ayaan wali hirgalin.

Image caption Nimco Cabdi Caarshe waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xildhibaannada cusub
Image caption Doorashada ayaa la filayaa iney dhacdo 8-da bisha Janaayo
Image caption Tirada guud ee xildhibaanada la soo xushay ayaa ah 66
Image caption Kulanka xildhibaannada looga dhawaaqay ayaa ka dhacay magaalada Garoowe

Mowduucyada la xiriira