Dulmi-diid muxuu kusoo kordhin karaa siyaasadda deegaanka Soomaalida?

Dulmi-diid ayaa ah urur dhallinyaro oo u ol'oleynayay isbaddal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya
Image caption Dulmi-diid ayaa ah urur dhallinyaro oo u ol'oleynayay isbaddal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya

Tan iyo intii uu isbadalka ka dhacay Itoobiya ayaa waxay dad badan u arkaan inuu dalkaas cagta saaray waddada horumarka siyaasadda.

Gobolka Soomaalida ayaa ka mid ah goobihii sida wayn looga dareemay isbadalkii ka dhacay dalka Itoobiya, oo soo billowday tan iyo markii xilka Ra'iisul wasaaraha loo magacaabay Dr Abiy Axmed.

Waxaa gobolka Soomaalida dib ugu laabtay ururo qaarkood ay hubaysnaayeen, muddo dheerna dagaal kula jireen maamulka Itoobiya.

Ururka lagu magacaabo Dulmi-diid ayaa ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii la jaan qaaday isbaddalka curtay.

Mas'uuliyiinta ururkaas ayaa waxa ay imika sheegeen in ay doonayaan in siyaasada dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Soomaalida ay ka qayb qaataan.

Khadar Jigre Aadan, oo ka mid aasaaseyaasha ururka Dulmi-diid ayaa sheegay in hadda ay qorshaynayaan sidii ay ugu xuub siiban lahaayeen dhinaca siyaasadda.

Image caption Khadar Jigre wuxuu ka mid yahay aasaaseyaashii Dulmi-diid

"Adduunyada oo dhan, marka uu meesha yimaado kacdoon shacab marka ugu dambeysa waxa uu isku baddalaa urur siyaasi ah, oo xisbi siyaasadeed sameysta, taas ayaan hadda u soconaa", ayuu yiri Jigre.

Khadar Jigre ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayay in ururka Dulmi-diid uu kala jaban yahay.

Waxa uu intaas ku daray in ay doonayaan in dhammaan deegaanka Soomaalida ay gaaraan si uu xisbiga u noqdo mid loo wada dhan yahay.

Ujeeddadii hore ee ururka Dulmi-diid:

Dulmi diid, waa mid ka mid ah ururadii ka soo qayb qaatay isbadalkii ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa ay sheegeen xilligaasi inay doonayaan isbadal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida magacooda ka muuqta, waxa ay sheegeen in ay diidanaayeen dulmi ay sheegeen in ay wadday dowladdii deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.

Ururkan ayaa dadka xubnaha ka ah waxa ay u badan yihiin aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha ururka ayaa intooda badan ka yimid qurbaha, waxa ayna qaarkood deegaanka ka maqnaayeen muddo dheer.

Maxay ka dhigan tahay in Dulmidiid ay xisbi isu badalaan?

Cabdinuur Ibraahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha bariga Afrika ayaa BBC-da u sheegay in labo arrimoodba ay ka dhalan karaan tallaabadaas.

"Dastuurka guud ee dalka Itoobiya wuxuu qabaa in xisbiyada badan ay hadda bannaan yihiin. Marka arrinta koowaad ee ka dhalan karta waa haddiiba ay xisbi siyaasadeed noqdaan waxay wadada usii furayaan hannaan dimuqraadiyadeed oo suurta galinaya iney xisbiyo kalena soo baxaan. Tan labaadna waxay noqon kartaa dhanka kale oo ah in midnimadii dhinaca siyaasadeed ee shacabka ay kala jabto, maadaama dhowr xisbi la kala taageeri doono, laakiin marka si loo eegana waa arrin wanaagsan", ayuu yiri.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa horay uga jiray hal xisbi siyaasadeed oo ah kan hadda talada haya.

Balse waxaa muuqata in xisbiyo kale ay soo if baxayaan, iyadoo dhawaanna ururka ONLF uu sheegay inuu dhanka siyaasadda u jihaysanayo.

Mowduucyada la xiriira