Waxyaabaha mideeya Muslimiinta iyo Yuhuudda Yurub

haweeney Muslim ah oo kawaan ku dhex yaalla dukaan ka doonaneysa hilib xalaal ah, magaalada Vilvoorde, Belgium Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qeybo ka mid ah Belgium ayaa laga mamnuucay gowraca diiniga ah

Dadka muslimiinta ah iyo kuwa Yuhuudda ah ee ku nool waddamada qaaradda Europe ayaa laga yaabaa ineysan inta badan fool-ka-fool isku arkin, laakiin waayadii dambe waxay isugu yimaadaan si ay uga hor tagaan arrimo sharciga ku saabsan, kuwaasoo ay sheegeen iney saameynayaan madax bannaanidooda ku aaddan waxyaabaha diinta ku saleysan ee ay amaaminsan yihiin.

Doodadda ugu dambeysay ayaa waxaa kiciyay sharci la dhaqan galiyay 1-dii bishan Janaayo oo ay soo saartay dowladda Belgium, kaasoo saameyn ku yeelanaya habka gowraca xoolaha - oo Muslimiinta iyo Yuhuudaba ay shuruudo gaar ah u raacaan.

Hindise sharciyeedkaas ayaa ahaa mid ah muddo dheer u dagaallamayeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka, hase ahaatee hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa ku tilmaamay xeerkaas mid xad gudub ku ah diimahooda isla markaana ka hor imaanaya xorriyadda uu qof walba u leeyahay inuu diinta uu rabo raaco.

Hoggaamiyihii lagu tilmaami jiray kali taliyaha ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa dood noocan ah abuuray sannadkii 1933-kii, ka dib markii uu mamnuucay gowraca xoolaha, isagoo shuruud uga dhigay in marka hore neefka lagu dilo hab sahlan.

Isbarbar dhigga Xuquuqda xayawaanka iyo xorriyadda diinta

Sharciga ay soo rogeen dalalka reer Europe ayaa dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la qalin, si aysan u dareemin xanuun.

Habkan ayaa ah mid iyadoo qalab la adeegsanayo lagu suuxiyo neefka, ka dibna la guda galo in la gowraco oo hilibkiisa la jarjaro.

Hase yeeshee arrintaas ayaa si toos ah uga hor imaaneysa diinta Islaamka iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin dadka Yuhuudda ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dalalka Europe qaar ayaan laga ogoleyn gowraca diiniga ah, halka qaarna ay shuruudo ku xiraan

Balse dalalka ayaa oggolaansho gaar ah siin kara habka gowraca ku saleysan diinta oo dhigaya in neefka nafta looga qaado gowrac mar qura looga jarayo qoorta.

Dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in habkaas uu kenayo xanuun aan loo baahneyn oo ay dareemaan xoolaha marka ay dhimanayaan, laakiin hoggaamiye diimeedyada ayaa dhankooda ku doodaya in habkaas uusan gabi ahaanba lahayn wax xanuun ah.

Waxay sheegeen in xirfaddaas ay tahay mid horay loo xaqiijiyay isla markaana lagu soo dhaqmayay muddo qarniyo badan ah, si looga hor tago in xoolaha ay xanuun dareemaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xoolaha loo qalo islaamka iyo Yuhuudda ayaa u baahan in erayo lagu dhawaaqo marka neefka la bireynayo

Si la isugu dheelli tiro doodda labada dhinac, qaar ka mid ah dalalka reer Europe, sida Netherland, Jarmalka, Spain iyo Qubrus ayaa oggolaansho xaddidan siiyay kawaannada lagu gowraco xoolaha loogu tala galay iney maraan sharciyada diinta.

Waddamo kale, sida Austria iyo Giriiga ayaa sharci ka dhigay in xoolaha la suuxiyo isla marka qoorta laga bireeyoba.

Labo ka mid ah saddexda gobol ee dalka Belgium - oo kala ah Flanders iyo Wallonia - ayaa ku biiraya waddamada Denmark, Sweden, Slovenia, Norway iyo Iceland oo diiday in wax isbaddal ah lagu sameeyo sharciga dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la gowricin.

Laakiin waxyaabaha isku keena ama mideeya Muslimiinta iyo Yuhuudda ku wada nool Europe ma aha gowraca xoolaha oo kaliya.

Gudniinka ayaa sidoo kale ka mid ah arrimahaas ay doodda ka aloosan tahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dalalka Iceland iyo Jarmalka ururro sharciyeysan oo ka soo horjeeda gudniinka

Isbarbar dhigga gudniinka iyo xuquuqda carruurta

Sannadkii lasoo dhaafay, hindise sharciyeed qabyo ah oo lagu qorsheynayay in lagu mamnuuco gudniinka aan ku saleysneyn arrimo caafimaad ayaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka Iceland.

Balse markii dambe waa laga gudbay hindisahaas ka dib markii ay ka dhalatay caro aad u weyn.

Laakiin arrintu si sahlan kuma burburin.

Muslimiinta iyo yuhuudda ayaa labadaba ku dhaqma gudniinka.

Sannadkii 2012-kii, dalka Jarmalka ayaa muddo kooban laga mamnuucay gudniinka ka dib markii ay maxkamad soo saartay xukun lagu mamnuucayay in wiil muslim ah oo 4 sano jir ah la gudo, iyadoo markaas la eegayay in qof walba uu isaga shakhsi ahaan go'aan uga gaaro waxa uu diin ahaan u rumeynayo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in arrintaas aysan ka hor istaagi karin xuquuqda waalidiintiisa iyo xuquuqda diinta toona.

Hase ahaatee, go'aankaas ayaa meesha laga saaray muddo 6 bilood ah ka dib.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa ka doodaya xannibaadda ku aaddan waxyaabaha diiniga ah

Dadka qaar ayaa arrimahan ku tilmaamay kuwo dib loogu xasuusanayo waayihii ka horreeyay dagaalkii 2-aad ee dunida.

Siyaasiga lagu magacaabo Rabbi Yaakov David Schmahl oo la hadlayay wargeyska New York Times ayaa yiri "waxaa si shaki la'aan ah dib loogu soo gocanayaa sida uu dhaqanka dunida ahaa wixii ka horreeyay dagaalkii 2-aad ee adduunka, marka la eego sharciyadan hadda soo ifbaxaya".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka u dooda xuquuqda xoolaha ayaa sheegay in sharciyada ay dowladda soo rogtay aysan xad gudub ku ahayn diimaha