Imaam masaajid oo dirqi kaga baxsaday weerar ay ku qaadeen jameecadiisa

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption .

Imaam Masaajid oo caan ah oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa lagu soo waramayaa in uu si dirqi ah kaga baxsaday dad caraysan oo doonayay in ay waxyeelaan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen banaanbaxayaasha kasoo horjeeda dowladda dalkaas, kuwaas oo Imaamka ku tuhmay in uu taageersanyahay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Muuqaal baraha bulshada lagu soo daabacay ayaa muujinayay dadka oo masaajidka dhexdiisa ku qeylinaya Imaan Cabdi Xayi Yuusuf, kuna leh "Ka kac meesha oo na hoggaamiye", iyaga oo ula jeeda mudaaharaadka ka dhanka ah dowladda.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxay Suudaan uga dhigantahay cunaqabteynta laga qaaday

Booliiska ayaa ridey suntan dadka kaga ilmeeysiisa si loo kala eryo.

Sudan waxaa ka socda mudaaharaadyo galay todobaadkii seddexaad oo looga soo horjeedo dowladda dalkaas, gaar ahaan madaxweyne Al bashiir oo muddo dheer maamulayay Sudan.

Markii koowaad waxa ay mudaaharaadyada ku biloowdeen cabashooyin laga qabau qiimaha nolosha oo sare usii kacayay iyo rootiga oo la goyn waayay, balse waxa ay isu badeleen in lagu baaqo in madaxweynaha uu xilka ka dego.

Imaam Cabdi Xayi ayaa horey loogu aqooni jirey in uu dadka ku dhiirogaliyo banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiiniyiinta, balse arrimaha hadda Suudaan ka jiro waa uu ka gaabsaday.

Mowduucyada la xiriira