100 casho kaddib, xaguu ku dambeeyay dilkii Khaashuqji?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

100 casho kaddib, xaguu ku dambeeyay dilkii Khaashuqji?

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku jooga dalka Sucuudi Carabiya, welina waxa uu raadinayaa jawaabo ku aadan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, xilli dhanka kalana uu isku dayayo inuu xoojiyo xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya boqortooyada.

Mr Khaashuqji ayaa ku noolaa dalka Mareykanka hasayeeshee waxaa dabayaaqadii sanadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga, dilkiisana waxa uu madmadow soo kala dhexgaliyay xiriirkii u dhaxeeyay Riyaad iyo Washington.

Haddaba todobaadkan ayey 100 maalmood ka soo wareegatay dilka weriye Jamaal Khaashuqji, dadkuna waxa ay isugu soo baxayeen bannaanka hore ee qunsuliyadda si ay u xasuustaan iyo weliba sidii ay cadaalad ugu raadin lahaayeen.

Haddaba si aannu u falanqeyno halka ay ku dambaysay arrinta ninkaasi ayaa waxaannu la xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo ka faalooda arrimaha caalamka Islaamka, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

Mowduucyada la xiriira