Weerarkii Kenya : Sawirrada weerarkii hoteelka Dusit

Weerarkii maleeshiyaad laga shakisan yahay ay ku qaadeen hoteel ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa la soo afjaray, iyadoo dhammaan dadkii weerarka soo qaadya la dilay, kaddib howlgal socday ku dhowaan 20 saacadood.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saraakiisha ayaa sheegay in 14 qof lagu dilay weerarkii dhismaha Dusit, balse Red Cross ayaa sheegtay in khasaraaha dhimashada uu intaas ka badan yahay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraabada dadkii geeriyooday oo muraara dillaacsan xilli ay soo arkeen meydadka ehalladooda
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kaamirada ammaanka oo duubtay weerar yahannada oo sii galaya dhismaha Talaadadii
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waxay bambo ku tuureen gawaarida gudaha ku jiray kahor inta aysan gudaha hoteelka gelin
Lahaanshaha sawirka Ronald Grant
Image caption Ciidammada ammaanka ayaa saacado gudahood ku soo badbaadiyay rayid ku xayirnaa dhismaha
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaale badan ayaa isku soo xiray gudaha xafiisyadooda, halka kuwo kalena si nabad ah looga soo saaray
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ururka fadhigooda yahay Soomaaliya ee al-Shabab ayaa sheegay inay weerarka fuliyeen
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Howlgalka ayaa socday ilaa habeenkii, iyadoo rayid badan oo meesha ku xayirnaa la soo badbaadiyay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wararka ayaa sheegaya in weerarka la soo afjaray fiidnimadii Talaadada, iyadoo Arabacadii ciidammo loo diray dhismaha si ay u soo ajaraan howlgalka inta harsan