Maayirka Jabuuti oo ka warrantay isbadelka ay magaaladaasi ka sameysay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maayirka Jabuuti oo ka warrantay isbadelka ay magaaladaasi ka sameysay

Mayirka caasimadda waddanka Jabuuti ee Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay inay wax badan ka qabatay nadaafadda iyo bilicda magaalada.

Faadumo Cawaale Cismaan oo sanadkii 2017-kii noqotay haweeneydii ugu horreysay ee mayir ka noqota magaalada Jabuuti ayaa markii ay wadday ololaha doorashada waxaa inta badan dadka magaalada ay su'aal galinayeen kartideeda shaqo iyo in howshaas ay ka soo bixi karto.

Haddaba laba sanadood kaddib maxay ka qabatay ballanqaadyadii ay sameysay? Su'aashaas iyo kuwa kale ayuu waydiiyay weriye Maxamuud Cismaan Bulxan oo xafiiskeeda ku wareystay.