Maxaad ka taqaannaa Cadbixakiim Aadan BR?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdixakiim BR oo ka warramaya majaajillada uu sameeyo

Cabdixakiim Aadan oo loo yaqaan BR oo loo soo gaabiyey Baariyoow ayaa ah maadeeye & Film-sameeye ku nool gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.

Cabdixakiim waxa uu hal abuuray sheekooyin dhowr ah oo aad loo jeclaystay wuxuuna baraha bulshada & masarxyo dhawr ah ku soo bandhigay barnaamijiyo & sheekooyin maad ah kuwaas oo uu magac ku yeeshay.

Cabdixakiim ayaa sida uu ku bilaabay howshan waxaa ka waraystay weriye Siyaad Saciid Saalax oo ugu horreyn waydiiyey goorta uu hawlahaan bilaabay?

Mowduucyada la xiriira