Haween iyaga oo aan ka warqabin dhalmada laga xiray

Jean Whitehorse Lahaanshaha sawirka Lorna Tucker’
Image caption Jean Whitehorse

"Markii ay gabadheyda jirtay 12 sano ,waxay i waydiin jirtay sababta aysan gabadh ama wiil walaalo ah u lahayn",.

Balse waxa aan xaqiiqada waxa igu dhacay u sheegay markii ay 33 jirtay ", waxaa sidaasi sheegtay Jean Whitehorse.

"Waa ay ku xumaatay markii ay ogaatay waxa ku dhacay hooyadeed "

Jean waxay ka soo jeedaa qowmiyada Navajo - waxaa goobta ay ku nooshahay ay ku taallaaMareykanka gaar ahaan Arizona, Utah iyo New Mexico.

Dadka halkaasi ku nool waxa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Navajo - oo ah mid ka mid ah qowmiyadaha asal ahaan Mareykanka loogu yimid.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaar ka mid ah haweenka qoomiyadda Navajo qarnigii 20aad

"Waxay iga qaateen dhammaan caruurteydii aan dhalay,marka aan arko qoys caruur yaryar sita waxa aan mar walba is dhahaa haddii aad haysan lahayd caruur."ayay tiri Jean Whitehorse.

Kala fogeynta caruurta

Jean Whitehorse waxay ka mid ahayd kumannaan dhibanayaal u noqday barnaamij ay dowladda Mareykanka fulisay oo caruurta lagu kala fogaynayay.

Mar ay la hadashay BBC ayaa waxay nala wadaagtay xanuunka,carada iyo ceebta ay dareemayso.

  1. Maxay isu madoobaynayaan dumarkan midabkoodu cadyahay?
  2. Haweenka Sacuudiga oo qaati ka taagan dowladdooda
  3. Haweenka Kuuriyada Waqooyi oo tacaddiyo galmo loo geysto
Lahaanshaha sawirka Lorna Tucker
Image caption Jean Whitehorse waa mid ka mid ah haweenka lagu qasbay barnaamij dhalmada looga xiray

Sanadii 1969, Jean waxay ku noolayd Oakland markaasi oo ay dareentay uurka gabadheeda.

Markii ay aaday xaruntii caafimaad ayaa waxay waydiiyeen in ay leedahay ceymis caafimaad markii ay maya dhahday ayaa waxa ay soo saareen dikumiintiyo.

"Waxa ay yiraahdeen haddii aad warqadahan saxiixdo waxa aad helaysaa dammaanaqaad ku saabsan qarashaadka caafimaadka, waxa aan waydiiyay waxa ay ula jeedaan? waxa ay ii sheegeen in gabadhayda la siinayo qof korsada islamarkana dadkaasi ay bixin doonaan qarashka caafimaadka,waan ka diiday waana isaga tagay ." ayay tiri.

"Waa cunugeyga ,ma doonayo in aan qof kale siiyo " ayay intaa ku dartay.

Iyada oo aan raali ka ahayn

Jean waxa ay dib ugu laabatay qowmiyadeeda Navajo oo ku nool New Mexico si ay halkaasi ugu soo umusho gabadheeda.

Bilooyiin ka dib markii ay umushay waxay dareentay calool xanuun saa'id ah waxa ayna aaday isbataal.

Lahaanshaha sawirka Lorna Tucker
Image caption Jean Whitehorse walwal ayay ku nooleyd

"Waxa ay ii sheegeen in la iga hayo uur ku jirta waxaana la ii qaaday isbataal kale".

Waxaa laga codsaday in ay saxiixdo dhowr warqadood oo ay u malaynaysay in ay yihiin kuwa loo baahan yahay ka hor qalliin lagu sameeyo.

"Waxa aan dareemayay xanuun daran,waxa ay igu dhaheen ilaa aan warqadhaasi saxiixo in aan waxbo la ii qaban karin ,mid mid ayaana u saxiixay aniga oo aan iska aqrin."ayay tiri

Waxaa xubno laga bixiyay uur ku jirta ,balse sanado ka dib markii ay xanuunsatay oo ay isbataalka dib ugu laabatay ayaa waxa ay dhakhaatiirta waydiiyeen warqadihii hore ee caafimaadka waxayna u sheegeen in dhalmada laga xiray.

"Waxa ay ii sheegeen in aan mar dambe caruur dhali doonin ."

Nidaamkii Dowladda

Dhalma ka xiridda Jean ayaa dhacday xilli ay dowladda Mareykanka soo saartay barnaamij ilmaha lagu kala fogeynayo kaasi oo lala bartilmaameedsanayay dadka asal ahaan Mareykanka loogu yimid.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Navajo man and woman in a carriage, 1939

Waxa uu barnaamijkan ahaa mid ay ahayd in qofka daawooyiinka la siinayo laga helo ogolaanshiyo,balse waxaa markii dambe caddaatay in qaar badan oo ka mid ah haweenka dadka asal ahaan Mareykanka ka soo jeeda laga xiray dhalmada.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in haweenkani aysan ka war hayn markii dhalmada laga xirayay.

Waxaa la soo saaray warbixin uu soo diyaariyay xafiiska isla xisaabtamidda dowladda mareykanka 1976 taasi oo lagu eegayay haweenka dhalmada laga xiray.

Waxaa baaritaanka laga sameeyay 4 ka mid ah 12 gobol ee laga fuliyay barnaamijkan dhalmada looga xirayay haweenka intii u dhaxaysay 1973 iyo 1976.

Gabagabadii ayaa waxaa la ogaaday in 3,406 ka mid ah la fuliyay iyada oo aysan haweenka ka warqabin.

Taasi waxa ay micnaheedu tahay in dadkani aan lagu wargalin in barnaamijku ahaa mid dhasha looga xirayo.

Taariikh ahaan dadka asal ahaan loogu yimid Mareykanka ayaa waxa ay la kulmeen midibtakoor badan islamarkana cawaaqibkii ka dhashay ayaa ah mid wali la dareemayo.

Sida ku cad warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay 2010 dadka asal ahaan Amerikanka ah ayaa 600 oo jeer halis ugu jira in uu ku dhaco cudurka qaaxada,halka 62% ay u dhawdahay in ay is dilaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qoomiyadda Navajo

Mowduucyada la xiriira