Felix Tshisekedi oo maanta loo dhaarinayo xilka madaxwaynaha Congo

Felix Tshisekedi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Felix Tshisekedi

Felix Tshisekedi oo guddiga doorasaha Congo ay shegeen in uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday ayaa maanta lagu wadaa in xilka madaxwaynanimada loo dhaariyo.

Waxa uu Tshisekedi hogaamiyihii xisbiga ugu wayn mucaaradka dalkaasi.

Maanta galinka dambe waxaa garoonka Palais de la Nation, uu Joseph Kabila oo ah 47 jir xilka ku wareejin doonaa Felix Tshisekedi oo 55 jir ah.

Waxaa waqti taariikhi u ah mucaaradka dalka Congo oo iyagu toboneeyo sano tabanayay in la cuburiyay.

Balse Tshisekedi ayaa xafiiska la wareegaya iyada oo ay jirto in ay xaaddidan tahay taageerada heer qaran iyo midda heer caalami islamarkana uu jiro shaki laga qabo natiijooyiinkii ka soo baxday doorashada.

Kaniisada awoodda badan ee Kaatoliga oo iyadu kormeerayaal badan u daadgureeysay goobaha ay doorashada ka dhacaysay ayaa waxay farta ku fiiqeen in macluumaadka ay hayaan uusan ahayn mid ka turjumaya natiijada .

  1. Mucaaradka Congo oo dhaliilay doorashadii dhacday
  2. Congo: Tobonaan dad ah oo ku dhintay shil gaadhi
  3. Joseph Kabila: Kama bixi doono siyaasadda Congo doorashada kadib

Hogamiyaha mucaaradka Martin Fayulu oo isagu sheegay in doorashda uu si wayn ugu guulaystay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha sharciga ah ee la doortay.

Waxa uu rajaynayay taageerada midowga Yurub iyo midowga Afrika oo iyagu walaac ka muujiyay xaqiiqanimada natiijada.

Balse dalalka dariska la ah dalka Congo ayaa u hambalyeeyay Tshisekedi, oo ah ninka la shaaciyay in uu doorashada ku guulaystay.

Maxkamada dastuuriga ah ayaa maalmo ka hor taageertay guusha Felix Tshisekedi oo ah ninka lagu wado in xilka madaxwaynanimada loo dhaariyo.

Mowduucyada la xiriira