Waligaa ma maqashay Buraanbur Ingiriis ah?

Xabiiba Cali waxay soo bandhigtaa buraanbur afka Ingiriisiga Lahaanshaha sawirka HABIBA ALI
Image caption Xabiiba Cali waxay soo bandhigtaa buraanbur afka Ingiriisiga

Xabiiba Axmed Cali, waa gabar Soomaali ah oo deggan dalka Canada, waxay buraanbur ku qaaddaa luqadda Ingiriiska, Waxay adeegsataa magaca Xaawa Xaaji oo ay ula jeedo hooyo Soomaaliyeed.

Buraanburkeeda Jacburka ah iyo hadallo shactiro ah ayey u adeegsataa dhiiragelinta dhallinyarada, ka hortagga dembiyada iyo isku xirka jiilka cusub iyo jiilkii hore.

Xabiiba waxay sheegtay in markii Canada ay timid ay bilaawday fikradda ah inay curiso buraanbur afka Ingiriiska ay ku luuqeyneyso si ay isugu soo dhaweyso midnimada waaliddiinta iyo carruurta ku nool qurbaha.

Waxay sidoo kale ka dhawaajisay in isticmaalka magaca Xaawo Xaaji ay uga golleedahay qaddarinta iyo xoojinta sharafta hooyada soomaaliyeed iyo kaalinta ay ku leeyihin bulshada.

Lahaanshaha sawirka HABIBA ALI
Image caption Gabadhan ayaa buraanburkeeda Ingiriiska ah u adeegsata wacyi galin

"Waxaan rabaa in adduunyada ay fahmaan in aan ka nimid qoftaas iyada ah ..Xaawo Xaaji waa codka qof kasta oo Soomaali ah" ayay tiri Xabiiba Cali.

Buraanburka ay luqadda Ingriiska ku qaaddo waxay sheegtay inay kusoo bandhigeyso sheekooyinka la xiriira dumarka soomaaliyeed sida dadaalkooda, awooddooda iyo doorkooda ku aadan horumarinta bulshada.

"Marka Xaawo Xaaji waa buunddadii isku keeni laheyd dhaqanka jiilkii hore iyo jiilka hadda jooga" ayay tiri Xabiiba.

Xabiiba Axmed Cali oo kusoo caambaxday buraanburkan waxay dooneysaa in da' yarta maanta ay la socdaan dhaqanka gaar ahaan gabayada, maansooyinka iyo kaalintii abwaanada soomaaliyeed ay ka qaateen xoojinta dhaqanka.

Mowduucyada la xiriira