Buundo fududeysay isu gudubka Gambia iyo Senegal

Photo showing the bridge over the Lahaanshaha sawirka AFP

Buudno cusub oo dhex marta Webiga Gambia ayaa lagu wadaa inay wax weyn ka beddesho isu socodka iyo ganacsiga gobolka.

Dalka Gambia waa dhul yar oo webiga loogu magac daray, waxaana saddexda jiho kaga wareegsan dalka Senegal.

Buundada Senegambia oo dhererkeedu yahay 1.9km (1.2 miles) una dhow magaalada Farafenni ayaa isku xirta labada qayb ee Gambia, iyadoo sidoo kale u suurto gelineysa dadka ku nool waqooyiga Senegal inay gobolka koofurta Senegal ku yaalla ee Casamance ay si fudud ku tagaan.

Lahaanshaha sawirka AFP

Dadka ayaa isticmaali jiray doon aan la isku halleyn karin oo webiga ka gudbaysa, amaba waxay geli jireen safar dheer oo dhulka ah iyagoo ka wareegsanaya webiga. darawallada gawaarida xamuulka ayay maalmo ku qaadan jirtay amaba mararka qaar toddobaad inay sugaan inay labada dal u kala gudbaan, taas oo micnaheedu yahay in badeecadaha ganacsi qaarkood ay hallaabi karaan.

Isniintii, dadka ayay u suurto gashay inay buundada ka gudbaan markii ugu horreysay.

Lahaanshaha sawirka AFP

Hadda waxaa suurto gal ah in laga safro caasimadda dalka Senegal, Dakar, loona safro magaalada Ziguinchor ee gobolka Casamance muddo shan saacadood ah, intii maalin dhan loo safri lahaa, amaba mararka qaar wax ka badan.

Dadka ayaa dabaal degayay marka ay ka gudbayeenbuundada, oo dhismaheedu uu qaatay toddoba sano, waxaana si rasmi ah u daah furay madaxweynaha Gambia Adama Barrow iyo dhiggiisa Senegal Macky Sall.

Lahaanshaha sawirka AFP

Mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan Afrika, heesaaga u dhashay dalka Senegal Youssou Ndour ayaa madadaalinayay dadkii dabaal-degayay.

Lahaanshaha sawirka AFP

"Waxaan halkan isticmaalayay muddo 15 sano ah," mid ka mid ah darawallada ayaa BBC-da u sheegay. "Maanta, Alle ayaan ku mahdinayaa, dhibkii muddo sanado ah la mari jiray hadda wuu dhammaaday.

"Sidoo kale, buundada ayaa sare u qaadi doonta xiriirka labada dal."

Lahaanshaha sawirka AFP

"Mararka qaar waxay igu qaadan jirtay 10 ilaa 20 maalmood inaan sugo inay doontu gudubto," ayuu darawal kale yiri. "Badeecadaha ganacsigu way hallaabi jireen, keliya ma aysan saameyn darawallada balse ganacsiga ayay sidoo kale saameysay."

Waxaa jiray qorshe lagu dhisayo buundada tan iyo sanadkii 1970-meeyadii, balse dib ayaa loo dhigayay iyadoo xiriirka u dhaxeeya labada dal uu mararka qaar xumaanayay.

Madaxweyne Sall (qofka labaad ee bidix xiga) ayaa u mahad celiyay African Development Bank, oo ku tabarrucay lacagta dhismaha, wuxuuna ku ammaanay "dadka Gambia guusha weyn ee ay sida wadajirka ah u gaareen".

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweyne Barrow (midig) ayaa sheegay in buundadu "ay soo afjareyso qarniyo ay jireen culeysyo dhanka safarka ah".

Lahaanshaha sawirka AFP

Haatan, gawaarida yaryarka ah ee isticmaala buundada ayaa waxaa laga qaadaa $5 (£4), kuwa xamuulka iyo gawaarida kale ee waaweyn ayaa bilaabi doona inay buundada ka gudbaan wixii loo gaaro bisha July.