Mareykanka iyo Venezuela oo ay mar kale ka dhex tolatay

Venezuela Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Guaidó ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu yahay "madaxweynaha ku meel gaarka ah"

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxaysa dowladda Venezuela iyo dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó uu u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.

Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib markii 35-sano-jirkaasi uu shalay caasimadda Venezuela ee Caracas kaga dhawaaqay inuu yahay ku simaha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah dalalka Koofurta Ameerika ku yaalla, oo ay ku jiraan Brazil, Colombia iyo Peru, ayaa sidoo kale aqoonsaday Mr Guaidó.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay dalkaasi ka jiraan dibad baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Nicolás Maduro.

Sicir barar, koronto la`aan iyo badeecadaha quutul-daruuriga ah oo dalkaasi ku yar ayaa ku kalliftay malaayiin qof inay isaga tagaan Venezuela.

Mr Maduro ayaa markii labaad loo dhaariyay madxatinnimada dalkaasi horraantii bishan, waxaana jirtay in mucaaradka dalkaasi uu ka biyo diiday natiijada, isagoo ku andacoonaya in lagu shubtay.

Maxaa ka soo kordhay xaaladda?

Isagoo ka jawaabaya hadalka Trump, ayuu khudbad uu madaxwaynaha Venezuela Nicolas Maduro u jeediyay taagerayaashiisa wuxuu ku sheegay inuu xiriirka diblomaasiyadeed u jarayo dalka Mareykanka.

Waxa uu ku dhawaaqay in diblamaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Venezuela dalka laga ceyrinayo.

Mr Maduro ayaa u qabtay in 72 saacadood gudahood ay dalkiisa uga baxaan diblomaasiyiinta Mareykanka.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Washington inay isku dayeyso inay Venezuela kor ka maamusho wuxuuna sheegay in mucaaradku ay isku dayayaan afgembi.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Tobnaan kun oo qof ayaa dhigayay dibad baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Maduro

Muxuu Mareykanku sheegay?

Qoraal uu soo saaray, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in hoggaanka Maduro uu yahay mid aan jirin, isla markaana aqalka sare ee Venezuela uu yahay waaxda keliya ee dalkaasi ka shaqeysa haatan.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa isagana diiday tallaabada uu Mr Maduro xiriirka ugu jarayo Mareykanka, isagoo sheegay in Mareykanku uusan Maduro u aqoonsaneyn madaxweyne, taas beddelkeedna uu taageerayo Guaidó.

Mr Pompeo ayaa ugu baaqay milatariga Venezuela inuu taageero dadaallada dib loogu soo celinayo dimuqraadiyadda.

Waa kuma Juan Guaidó?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mr Guaidó ayaa dhiirri geliyay mucaaradka Venezuela tan iyo intii uu noqoday guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas

Mr Guaidó wuxuu ahaa qof aan la aqoon, ilaa uu horraantii bishii hore ka noqday madaxweynaha baarlamaanka Venezuela ee uu hoggaamiyo mucaaradka.

Markii uu xilkan qabtay, ayuu sheegay inuu dastuurku xaq u siinayo inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah tan iyo inta laga qabanayo doorashooyin cusub.

Isagoo arday ah, ayuu hoggaamin jiray dibad baxyadii looga soo horjeeday hoggaamiyihii hore Hugo Chavez oo Mr Maduro u doortay inuu yahay ninka ka guuleystay.

Magacaabidda loo magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhiirri gelisay mucaaradka, oo muddo sanado ah kala qoqobnaa.

Mucaaradka ayaa doorashooyinka baarlamaaniga ah ku guuleystay sanadkii 2015, balse sanadkii 2017 Mr Maduro ayaa sameeyay guddi kale, oo la wareegay awoodaha sharciga.

Mowduucyada la xiriira