Ninka kaliya ee u tallaabay xeyndaabka shaqooyinka lagu yaqaanno dumarka

Dhasalan Kabadhe wuxuu ka shaqeeyaa iibinta khudaar gaar ah
Image caption Dhasalan Kabadhe wuxuu ka shaqeeyaa iibinta khudaar gaar ah

Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku sugan ninka kaliya lagu yaqaanno inuu sameeyo ganacsi looga bartay haweenka.

Ninkan oo lagu magacaabo Dhasalan Kabadhe wuxuu Meheraddiisa ku iibiyaa akhudaarta, gaar ahaan Baamiyaha iyo Barbarooniga.

Ninkan waxaa ku tiirsan in badan oo ka mid ah dadka magaalada, waxaana goobta uu ku iibiyo Baamiyaha iyo Barbarooniga isugu yimaada boqollaal haween ah oo ka gata khudaarta, waxaana jiraa gabdho soomaaliyeed oo ay shirkad ku yihiin ganacsiga uu ku howlan yahay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Haweenka Jigjiga oo si weyn uga dhex muuqda arrimaha ganacsiga

Weriyaha BBC-da ee magaalada Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam, oo booqday suuqa khudaarta Jigjiga ayaa ninkan kula kulmay halkaas.

Waxa uu u sheegay in Baamiyaha uu ka kala keeno magaalooyinka Addis Ababa, Qallaafe, Hargeysa iyo meelo kale.

Dhasalan ayaa sheegay inuu faa'ido dhaqaale ka helo khudaartan, maadama uu isaga kaliya ka ganacsado.

Nimco Aadan Cali oo BBC la hadleysay ayaa sheegtay inay shirko yihiin ninkan isla markaasna uu labadooda oo qura gaar u yahay ganacsiga Baamiyaha.

Waxay sheegtay in dadka deegaanka aysan ogeyn faa'idada uu leeyahay Baamiyaha.

Image caption Baamiyaha ayaa la sheegaa inuu faa'iido u leeyahay kala goysyada xubnaha jirka

"Annaga kaliya ayaa iibina, sababtuna waa garasho la'aan ayna dadku garaneynin faa'iidada ku duugan isticmaalka Baamiyaha" ayay tiri Nimco.

Ganacsatadan ayaa noo sheegay in suuq ay ku heystaan Baamiyaha, dadkana ay saf ugu jiraan. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in isticmaalka Baamiyah uu waxtar u leeyahay caafimaadka qofka.

Xamdi Axmed Khaliif, oo ka mid ahayd dadka xilligaas ka adeeganayay suuqa Jigjiga ayaa BBC-da u sheegtay in toddobaadkii saddex jeer ay timaado suuqa si ay u iibsato Baamiyaha.

Image caption Macaamiil badan ayuu kala dabarayaa ganacsadahan caankla ka ah Jigjiga

Beeraleyda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaan intooda badan beeranin Baamiyaha, iyadoo taasina ay sababtay in goobta kaliya ee lagu iibiyo ay shacabka ku xoomaan.

Dhasalan Kabadhe ayaa isu arka inuu yahay qofka kaliya ah ee ku howlan ka macaashka ganacsi dhif iyo naadir ku ah Dowlad Deegaanka Soomaalida.