Wadahadallada Taalibaan: Ergayga Mareykanka oo sheegay in horumar muhiim ah lagu gaaray Qatar

Mareykanka waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 14,000 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Nato Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mareykanka waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 14,000 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Nato

Mareykanka iyo ururka Taalibaan ee Afghanistan ayaa waxa ay "horumar muhiim ah" ka sameeyeen wadahadallo loogu talagalay in lagu soo afjaro 17 sanadood oo ay colaad ka socotay gudaha Afghanistan, Ergayga Mareykanka ayaa sidaasi sheegay.

Ilo wareedyo laga soo xigtay Taalibaan ayaa sheegaya in heshiis qabyo ah oo u dhexeeya labada dhinac la gaaray.

Farriimo xiriir ah oo uu Twitterka soo dihgay, Zalmay Khalilzad, ayuusan wax faafaahin dheeraad ah ku bixin hasayeeshee waxa uu sheegay in wadahadalladii lixda maalmood ee Qatar ka dhacay ay ahaayeen "kuwo ka wanaagsan kuwii ka horreeyay".

Waxa uu warkaasi sheegay mar uu ku sii wajahnaa magaalada Kabul si uu ula soo tashto saraakiisha dowladda Afghanistan.

Taalibaan ayaa sidoo kale sheegtay in horumar laga sameeyay wadahadallada.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, afhayeen ayaa intaasi ku daray inay sii socon doonaan wadahadallada ku aaddan "arrimaha aanan la xallin"

Mr Khalilzad ayaa sidoo kale waxa uu ku adkaystay in wadahadallada lagula jiro Taalibaan ay sii socon doonaan, wax gebagaba gaarayna aanay jirin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada ammaanka Afghanistan oo ilaalo ka haya laba qof oo looga shakiyay inay Taalibaan u dagaalamaan

Taalibaan ayaa ilaa iyo haatan diidan inay wadahadallo toos ah la gasho saraakiisha Afghanistan, kuwaas oo ay u aragto inay yihiin dabadhilif.

Waxa ay sheegeen in wadahadal ay dowladda la bilaabi karaan oo kaliya markii waqti loo qabto oo la isku raaco taariikhda ka bixitaanka ciidammada Mareykanka ee Afghanistan.

Gelinkii hore ee Sabtida, ilo wareedyo Taalibaan ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac soo gebagabeeyeen qodobada lagu dari doono heshiiska qabyada ah.

Mowduucyada la xiriira