Siyaasadda Soomaaliya,ma waxay yeelatay waji cusub?

Kulanka madaxda oo Garowe ka dhacay Lahaanshaha sawirka Sonna
Image caption Kulanka madaxda oo Garowe ka dhacay

Maalin ka hor waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan ay yeesheen Madaxwaynaha dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay labada dhinac isa soo hor fariistaan tan iyo intii uu billaabmay khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Sida ku cad qoraal la soo dhigay barta ay facebook ku leedahay madaxtooyada soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Shariif Sh Axmed, ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulankan ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii looga wadahadlay.

Waxaa uu kulanka yimid ka dib markii uu madaxwaynaha dowladda fedaraalka Maxamed Cabdulahi Farmajo uu ballanqaaday in wadashaqayn wanaagsan uu la yeelan doono maamul goboleedyada.

  1. Soomaaliya: Waan ka xunnahay khilaafka waddamada Carabta
  2. Aaden Barre Ducaale: ‘Madaxda Soomaaliya u heshiiya danta dadkiinna’
  3. 'Yaan hub laga iibinin dalalka Khaliijka khilaafka Qadar awgii'
Lahaanshaha sawirka Sonna
Image caption Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada

Maxay ka dhigan tahay kulanka madaxdan?

Qaar ka mid ah dadka lafagura arrimaha Soomaaliya ayaa u arka kulanka madaxdan dhexmaray fursad wanaagsan.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo u kuurgala arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa qaba fikirka ah in haddii fursadan aan laga faaidaysan ay arrinta fashil ku dhamaan karto.

Waxaad moodaa in uu noqon karo fursad,haddii aan laga faaidaysana waxa uu noqon karaa fashil cusub oo ragaadiya dadaaladii dalka dib loobu nabadeynayay,ayuu yiri Dr Bursaliid.

Waxa uu sidoo kale Dr Ibraahim Faarax Bursaliid uu shaki ka muujiyay si ay dhab u noqon karto fulinta baaqyadii ay madaxda kala duwan ka jeediyeen xafladii caleema saarka Garowe.

Baaqii nabadeed ee ay hogaamiyayaasha kala duwan jeediyee waa iftiin cusub,ma hubno sida ay uga daacad noqon karaa xal u helida iyo waxa ay sheegayaan in ay meelmariyaan;ayuu yiri Dr Bursaliuid.

Doorashadii Dani ma waxa ay furi u noqotay xalka khilaafka?

Xafladdii caleema saarka madaxwaynaha cusub ee Puntlanda ayaa noqotay mid isu keentay madaxda kala duwan ee Soomaalida.

Dad badan oo darsi siyaasdda ayaa u arkayay xafladani in ay noqon kartay fursad looga faa'idaysto in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalida.

Dr Bursaliid ayaa farta ku fiiqay in wali aan la oran karin in waxyaabihii laga ballan qaaday xafladdii caleemasaarka ee Garowe.

"Wali xal lama oran karo maxaa yeelay heerka daacadnimadooda ama munaafuq siyaasadeed wali lama garan karo laakiin ilaa iyo hadda inta ay sheegeen yadadiilo ayaa muuqata " ayuu yiri.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa intaa ku daray in haddii laga dhabeeyo waxyaabihii laga ballanqaaday ay garowe furi u noqon karto in Soomalida ay dib u heshiisii dhab ah hesho.

"Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa soo maray marxalado kala duwan "ayuu intaa ku dara Dr Bursaliid

Balse intii uu khilaafka socday ayaa waxaa meesha ka baxay madaxwaynihii Puntland Dr Cabdi Wali Cali Gaas iyo madaxwaynihii Koonfur Galbeed shariif Xasan sh Aadan,halka uu madaxwaynaha Hirshabeele uu dowladda dhexe la heshiiyay.

Waxaa imika soo haray islamarkana dowladda dhexe si wayn uga soo horjeeda madaxwaynaha Jubaland Axmed maxamed Islaan iyo madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Mowduucyada la xiriira