Carruur loo dilay "si looga ganacsado" xubnaha jirkooda

.

Lix carruur ah ayaa lagu dilay koonfur galbeed dalka Tanzania, iyadoo meydkooda laga waayay xubnaha jirka qaarkood sida dhagaha iyo ilkaha, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaasi.

Meydadka carruurta ayaa waxaa sidoo kale laga goostay gacmaha iyo lugaha, carruurta la laayay waxay da'doodu u dhexeeysay labo iyo sagaal sanno jir.

"Waxaa loo adeegsaday jirka carruurta qaab sixir ah" ayay tiri guddoomiyaha degmada Njombe, Ruth Msafiri.

Booliska Tanzania ayaa xabsiga dhigay qof looga shakisan yahay dilka carruurta, waana qof qaraabo la ah saddex kamid ah carruurta la dilay.

Toban kamid ah carruurta ayaa la waayay tan iyo bishii Disembar, waxaana la helay kamid ah carruurta iyagoo nool.

Dad ku dhintay dhooba ku habsatay tuulooyin Uganda ka tirsan

Booliska Mombasa oo xiray dad “sixir suuq u raadinayay”

Weriyeyaasha ayaa kusoo warramaya in dadka wax sixra ee gobolka ay dadka deegaanka u sheegeen in jirka banii'aadanka ay u isticmaalaan sixirka isla markaasna uu horseedayo inay yeeshaan hanti.

"Waxaan ugu baaqaya dhammaan qoysaska iyo ehelada carruurta inay feejignaadaan ayna ka fogadaan dadka ay uga shakiyaan howlahaasi" ayuu BBC u sheegay guddoomiyaha degmada.

Carruurta la laayay ayaa waxaa guryahooda laga kaxeeystay xilli galab ah oo ay waaliddiintooda ku maqnaayeen suuqa.

Mowduucyada la xiriira