Xildhibaan loo heysto damnbi argagax leh oo lagu xiray baarlamaanka Ruushka

Rauf Arashukov wuxuu senator noqday 2016 Lahaanshaha sawirka VALERY SHARIFULIN/TASS/GETTY
Image caption Rauf Arashukov wuxuu senator noqday 2016

Siyaasi Xubin ka ah aqalka baarlamaanka ee dalka Ruushka ayaa xabsiga loo taxaabay, isagoo lagu soo oogay dacwad dil ah, waxaana Arbacadii maanta la xiray xilli uu ku jiray gudaha aqalka sare ee baarlamaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda ee waddankaas.

Rauf Arashukov ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay falal dil ah oo sannadkii 2010-kii lagu fuliyay 2 ruux oo caan ah.

Waxaa sidoo kale loo heystaa dambiyo kale, sida ay sheegeen guddiga baaritaannada gabood fallada ee dalka Ruushka.

Senetarkan oo matala maamul goboleedka Karachay-Cherkessia ayaa la jeebeeyay isagoo dhex fadhiya baarlamaanka oo ay howshsha caadiga ah ka socoto.

Wuxuu horay u beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Xasaanaddii xildhibaannimada ayaa hadda laga xayuubiyay, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka ee Ria Novosti.

Maxaa lagu heystaa Rauf Arashukov?

Dambi baareyaasha ayaa aaminsan in xildhibaankan 32 sano jirka ah uu ku lug lahaa 2 qandaraas oo dil ah, kuwaasoo ka dhacay magaalada Cherkessk, oo ah caasimadda gobolka Karachay-Cherkessia.

Aslan Zhukov, oo ahaa hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Adyge-Khase, ayaa toogasho lagu dilay bishii Maarso ee sannadkii 2010-kii.

Labo bilood ka dib, Fral Shebkhuzov, oo la taliye u ahaa madaxweynaha gobolka Karachay-Cherkessia ayaa la garaacay ka dibna toogasho lagu dilay.

Mr Arashukov ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dambiyo kuwaas ka duwan oo la sheegay inuu geystay, sida ay boggooda internet-ka ku qoreen guddiga baaritaannada dambiyada ee dalka Ruushka.

Bishii Siteembar ee sannadkii tagay waxaa soo baxay warar sheegayay in 3 Markhaati oo loo hayay dambiyadiisa ay la kulmeen handadaado.

Warbaahinta Ruushka ayaa tabineysa in xildhibaankan, oo Senetor noqday sannadkii 2016-kii, sidoo kale lagu eedeeyay inuu warqado been abuur ah isticmaalay, si uu Senetor u noqdo.

Mowduucyada la xiriira