Quruxdu ma midabkaa, maxaa gabadhan loo xagxaganayaa?

Algeria Lahaanshaha sawirka MISS ALGERIE
Image caption Khadija Ben Hamou, oo ka soo jeedda koofurta Algeria, ayaa sheegtay inay isku qanacsan tahay

Gabadhii dhowaan ku guuleysatay koobka quruxda dalka Algeria ayaa ka jawaabtay cambaareyn loo jeediyay oo ku saabsan kalarka midabkeeda.

"Marna uma liici doono dadka i cambaareynaya," Khadija Ben Hamou ayaa sidaasi tiri.

Dadka ayaa baraha Facebook iyo Twitter-ka ku soo qorayay erayo ka dhan ah midabkeeda, sankeeda iyo dibhaneeda.

Dadka midabka madow ee Algeria u dhashay ayaa waxay la kulmaan takoor.

Ben Hamou, oo ka soo jeedda koofurta gobolka Adrar, ayaa sheegtay inay ku faaneyso inay tartanka ku guuleysatay.

"Waxaa sharaf ii ah inaan gaaray riyadeyda, waxaana ku faanayaa gobolka Adrar oo ah meesha aan ka soo jeedo," ayya tiri.

"Waxaan sidoo kale ku dhiirri gelinayaa gabdhaha gobolkeyga ka soo jeeda inay ka qayb galaan tartanka haddii ay doonayaan," ayay intaas ku dartay.

Sida uu sheegay wargeyska Vogue, waa haweeneyda labaad ee madow ee ku guuleysata koobka quruxda ee sanadlaha ah - marka laga soo tago Nassima Mokadem oo sanadkii 2005 ku guuleysatay.

Ben Hamou ayaa ka qayb gashay 20 wareeg oo tartanka ah kahor inta aan Sabtidii la surin taajka Miss Algeria ee sanadkan 2019.

Dadka cambaareynaya ayaa sheegaya inaysan matalin quruxda Algeria, balse qaar kale ayay taageero uga heshay baraha bulshada.

Ben Hamou ayaa sheegtay "Ha xukminin dadka iyagoo aanan ogeyn, ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya madow iyo caddaan."

Maxay tahay sababta haweenka madow loogu takooro Waqooyiga Afrika?

Quruxda ayaa Algeria iyo dalal kale oo ku yaalla Waqooyiga Afrika lala xiriiriyaa midabka qofka - inta aad caddahay, sida ay u arkaan dad badan oo gobolka ku nool, waa inta aad qurux badan tahay.

Sidaas darteed markii ay dadka qaar ogaadeen la yaab ayay ku noqotay in Miss Algeria - ay si caalami ah u mateli doonto. Ms Ben Hamou ayaa rabaha bulshada lagu caayay iyadoo wax laga sheegayo midabkeeda iyo qaabka sankeeda iyo dibnaheeda. Qaar ayaa sheegay inay u ektahay nin.

Haweenka madow ayaa sidoo kale lagu takooraa dalkeyga Morocco, iyadoo wax laga sheegayo midabkooda, gaar ahaan marka ay yar yihiin. Marar badan ayay sidaasi igu dhacday intaan iskuulka dhiganayay.

Dhibka ka jira Waqooyiga Afrika ayaa ah in xitaa dadku aysan dareemeynin inay cunsuri yihiin marka ay sidan u hadlaan. Waxa ku dhacay Ben Hamou waxay indhaha u furi doontaa dadka inay ku baraarugaan dhibaatada cunsurinimada, balse waxaan ka shaki qabaa inay taas is beddel keeni doonto.

Mowduucyada la xiriira