Japan: Waayeel banaanka ka doorbiday xabsiga

. Lahaanshaha sawirka .
Image caption .

Dalka Japan mowjadaha dambiyada ah ee ay gaystaan dadka ay da'doodu ka sareyso 65 sano ayaa sare u sii kacayay 20 sano ee ugu dambeeyay.

Wariyaha BBC Ed Butler ayaa arrintan sheeko ka qortay.

Kala bar dadka dambiilayaasha ee xabsiyada laga soo daayay magaalada Hiroshima ayaa waxa uu sheegay Toshio Takata oo 69 jir ah in ay sharciga jabiyeen sababoah laxiriira saboolnimo.

Waxa uu doonayay goob lacag la'aan ah oo uu ku noolaado xitaa xabsi ha ahaatee.

"Waxa aan gaaray da'da howlgabnimada ka dib lacagtii ayaa iga dhamaatay, waxaa markaasi ka dib igu dhalatay fikirka ah in aan noolal lacag la;aan ah aan ku noolaan karo haddii aan galo xabsi,"ayuu yiri.

"Waxaa aan soo qaatay Baaskiil waxa aana tagay saldhig booliiska waxa aana ku iri eega baaskiil ayaan soo xaday.'" Ayuu intaa ku daray Takata.

Qorshahani wuu shaqeeyay tani waa dambigii ugu horeeyay ee Toshio uu galo,waxa ayna da'diisa ahayd 62 sano.

Maxkamadaha dalka Japan ayaa dambiyada xatooyada u arka kuwa halis ah waxaana Toshio lagu xukumay 1 sano oo xarig ah.

Waxa uu ku fikaray in uu galo dambi kale,waxa ayna la nqotay in uu haweenay ugu hanjabo mindi taas ayuuna sameeyay si mar kale loo xiro.

  1. Japan oo dhisaysa kombuterkii ugu waynaa adduunka
  2. Japan: 44 bilyan oo doolar ayaan u adeegsan doonaa gaashaandhigga
  3. Tareenada Japan oo lagu rakibay guux u eg dhawaaqa eeyahay!

"Waxa aan aaday meel gawaarida la dhigto waxa aana u hanjabay dadkii halkaasi joogay,umana jeedin in dadkaas aan waxyeeleeyo,waxa aan tusay mindida aniga oo doonaya in mid ka mid ah uu booliiska Waco,sidaasi ayaana dhacday" ayuu yiri.

Marka la isu geeyo,Toshio aya xabsiga ku jiray 8 sano ee ugu dambaysay.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Toshio ayaa xabsiga ku jiray 8 sano ee ugu dambeeyay

Waxa aan waydiyay in uu xabsiga jecel yahay ,waxa uuna bixiyay jawaab dhaqaale taasi oo ah in xitaa lacagtiisa howlgabka ay u socoto isaga oo xabsiga ku jira.

"Ma aha in aan jecelahay, balse lacag la'aan ayaan halkan ku joogaa oo lacag la igama qaado,markii aan xabsiga ka baxo lacag ayaa ii keedsan oo aan meel dhigtay saas uma xanuun badna,"ayuu yiri.

Dambiga oo lagu laabto waa qaab "xabsiga dib loogu laaban karo " waxaana halkaasi laga helayaa cunno saddexda waqti ah maalinkii , ayuu yiri.

Toshio kali kuma ah dadka waayeelada ah ee dambiyada gala ayaa guud ahaan sii kordhaya dalka Japan.

Waxaa tusaale kale ah Keiko (ma aha magaceeda saxda ah) waxa ay jirtaa 70 sano waxa ay sheegtay in arrimahan ay ku qasabtay saboolnimada.

"Lama aanan noolaan Karin seygeyda ,mana aanan haysan meel aan ku noolaado oo aan joogo marka waxaan doorbiday in aan wax xado," ayay tiri.

Waxa ay intaa ku dartay"xitaa haweenka ku jira da'da sideetameeyada ee aan xitaa si wanaagsan u socon Karin sababtoo ah ma haystaan lacag iyo wax ay cunaan."

Lacagaha laga xado dukaamada ayaa ah dambiyada ugu badan ee ay galaan dadka waayeelada ah.

Intooda badan waxa ay xadaan cunno ay xitaa qiimaheedu ka yartahay 20 gini.

Mowduucyada la xiriira