Maxaa saameyn ah uu leeyahay qabowga darran ee ka jira Yurub iyo Mareykanka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa saameyn ah uu leeyahay qabowga darran ee ka jira Yurub iyo Mareykanka?

Ugu yaraan 21 ruux ayaa u dhimatay sababo la xiriira qabow iyo cimilo baraf wadata oo ku dhufatay qeybo ka mid ah bartamada iyo galbeedka waddanka Mareykanka.

Isbitaallada ayaa la geeyay dad aad u fara badan oo u baahan in laga daaweeyo dhibaatooyinka uu qabowga u keenay, iyadoo qeybo ka mid ah Mareykanka iyo Yurub ay howlihii caadiga ahaa hakad galeen.

Dabayaaqada isbuucan ayaa la filayaa in darajada heer kulka ay xoogaa sare u kacdo.

Haddaba, waxyaabaha sababaya qabowgan oo ka mid ah isbedelka cimilada Cabdulqadir Faarax Qaasim, Axmed Mursal Ciise ayuu u waramay.