Wadada isku xirta deegaanada Soomaalida iyo Adisababa ayaa xiran maalintii saddexaad
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadada isku xirta deegaanada Soomaalida iyo Adisababa ayaa xiran maalintii saddexaad

Wadada isku xirta Adisababa iyo Jigjiga ayaa Sadex maalmod ka xiran magaalada Baabili oo 70 kiilo mitir u jirta Jigjiga kadib markii Teendhooyin ay ku xireen wadada bartankeeda dad ka cabanaya in isku dhacyada Quumiyadaha Oromada iyo Soomaalida aan waxba laga qabanin.

Arrintaan ayaa sababtay in deegaanka Soomaalida iyo magaalada Jigjiga wixii uga imaan jiray dhanka Adisababa ay gabi ahaanba istaagaan.

Weriyaha BBC ee Jigjiga Cabdinasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa uga waramay wararkii ugu dambeeyay ee jidgooyada weriye Cabdiqaadir Yuusuf Cali.