Pope Francis oo booqanaya isu tagga Imaraadka Carabta

Isu tagga Imaaraadka waxaa ku nool ku dhawaad hal milyan oo Kirishtan ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isu tagga Imaaraadka waxaa ku nool ku dhawaad hal milyan oo Kirishtan ah

Wadaadka ugu weyn madhabta diinta Katooliga ah Pope Francis ayaa maanta galinka dambe booqanaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ,waana booqashadii ugu horeeysay ee uu dalkaasi ku tago.

Pope Francis Waxaa marti qaad u sameeyay Hoggaamiyaha Abu Dubai, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan waxaana lagu wadaa in uu ka qayb galo shir diimeed ka dhacaya Imaaraadka .

Waxaa la filayaa in soo dhaweyntiisa ay ka qayb galaan dad gaaraya 120,000 oo qof .

Booqashada wadadkaan ayaa isha si weyn loogu hayaa gaar ahaana waxa uu ka dhihi doono colaadda dalka Yeman oo Imaaraadku si weyn ugu lug leeyahay .

Pope Francis waxaa uu horey u cambaareeyay isku dhacyada ka jira dalka Yeman ee isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo dalkaasi Imaaraadkuna qaybta ka yahay .

Sanadkii la soo dhaafay waxaa uu beesha caalamka ku booriyay in wax laga qabto xaaladda binu aadanimo ee ka jirta dalka Yeman .

Imaaraadka waxaa ku nool ku dhawaad hal milyan oo qof oo haysta diinta Katooliga kuwaasi oo badankoodu ka soo jeeda dalalka Filipiin iyo Hindiya .

Fariin muqaal ah oo dhawaan la sii daayay ayaa baadarigaan waxaa uu ku sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu baal cusub ka sameyay taaiikhda xiriirada diimaha, waxaana uu sido kale ku ammaanay dalka Imaaraadku in uu noqdo bud-dhigga dadyow kala duwan isla markaana haysta dhaqamo iyo diimo kala gedisan .

Inta uu booqashada ku jooga Dalka Imaaraadka Pope Francis waxaa uu la kulmi doonaa culimada diinta islaamka ee dalka Imaaraadka waxaana ay ka wada hadli doonaan arimo muhiim ah.

Booqashadaan taariikhiga ah ee hogaamiyaha Katooliga uu ku tagayo Imaaradaka ayaa imaanaysa xilli inta badan wadaadada diinta Kirishtaanka ay aad u daneynayaan in dalka imaaraadka laga hirgaliyo Kaniisado badan oo u adeega bulshada masiixiyiinta ah .

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan